10 ku dhimatay qarax ka dhacay Istanbul

Qarax wayn oo ka dhacay magaalada Turkiga ee Istanbul ayaa waxaa ku dhimatay toban qof shan iyo toban kalena waa dhaawacmeen. Qaraxa ayaa ka dhacay fagaaraha Sultanahmet ee bartamaha guryaha magaaladii hore.

Meesha qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa booqda dalxiisayaasha. Sababta keentay qaraxa lama oga, laakiin meelo badan Istanbul ayaa weeraro la xiriira ciidamada Turkiga iyo kooxda Kurdishka ee PKK ay ka dhaceen.

Comments

comments