Ammaanka Magaalada Kismaayo oo maanta si weyn loo adkeeyay

Ammaanka Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Gobolka Jubbadda Hoose ayaa maanta si weyn loo Adkeeyay,iyadoo Ciidamo aad u badan la dhigay Wadooyinka waa weyn ee Magaaladaasi iyo halka uu ka furmayo Shirka Madasha Qaran ee lagu go’aaminayo Doorashada ay Soomaaliya u baahnan tahay.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan ayaa maanta laga sugayaa Magaalada Kismaayo,iyadoo sidoo kale halkaa ay ku sugan yihiin Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya iyo Madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya in Shirka Furitaankiisa uu maanta dib uga dhici doono Maanta oo ah Xilligii loo balamay inuu furmo sida laga soo xigtay Mas’uuliyiinta Maamulka Jubbaland qaarkood.

Comments

comments