Deg Deg:- Shirkii Kismaayo oo baaqday iyo Axmed Madoobe oo Xanaaqsan oo Muqdisho yimid

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Kismaayo ayaa Shaaca ka dhigay inuu dib u dhacay Shirkii Madasha Wada tashiga Qaran ee lagu Go’aamin lahaa Doorashada Soomaaliya 2016,kaas oo lagu waday inuu bari ka furmo Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Gobolka Jubbadda Hoose.

 

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in Shirka uu dib u dhac ku yimid,inkastoo aysan Sababta sheegin.

 

Horay ayaa Warar soo baxayay waxaa ay sheegayeen in Shirka uu ilaa 20 Bishaan dib uga dhacay Mudadii loo balamay oo aheyd 10 Bishaan January.

 

Dhanka kale Magaalada  Muqdisho ayaa waxaa maanta yimid Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe,iyadoo uu u yimid inuu Madaxda Dowladda kala hadlo Baaqashada Shirka iyo Cidda Sababta leh.

 

Warar hoose ayaa sheegaya in Baaqashada Shirka ay ugu weyn tahay Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Koofur Galbeed oo diidan Shirka kadib markii Jubbaland ay aqoonsatay Maamul looga dhawaaqay Ceel-barde iyo sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya iyo kan  Madaxweynaha Puntland oo wali ku Mashquushan Sanad Guuradii 2-aad ee Markii la doortay Dr C/wali Maxamed Cali Gaas.

Comments

comments