Golaha Abwaanada oo sheegay in Tiyaatarka Qaranka lagu wareeji rabo dad dano gaar ah leh Jan 9, 2016 – jawaab

Golaha Abwaanada Soomaaliyeed waxaa ay sheegeen in Xarunta Tiyaatarka Qaranka Soomaaliyeed la doonayo in lagu wareejiyo Dad dano gaar ah leh kuwaas oo dib u dhis ku sameynaya.

 

Waxaa ay tilmaameen in Dadkaas aysan ogeyn u jeedka ay ka leeyihiin iyo waxa ay ka doonayaan Xaruunta Tiyaatarka Soomaaliya taas oo hada Burbursan.

 

Gudoomiyaha Golaha Abwaanada Soomaaliyeed  Abwaan Maxamuud C/laahi Ciise (Sangub)  ayaa ka hadlay Sheekada ku saabsan Xarunta Murtida iyo Mad-daalada.

 

Waxaa kale oo ay Golaha Abwaanadu sheegeen in Xubno ka tirsan Dowlada Soomaaliya ay ka danbeeyeen in Tiyaatarka lagu wareejiyo Dad dano kale leh.

 

Dowlada Soomaaliya ayaa waxaa xili sii horeysay balan-qaaday in dib u dhis lagu sameynayo Xarunta Tiyaatarka Soomaaliya.

Comments

comments