Guddoomiyaha Xiriirka K/Cagta”Al-shabaab ha ku soo biiraan Horyaalka K/Cagta Dalka”

Guddoomiyaha Xiriirka kubada Cagta Soomaaliya Cabdiqani Siciid carab ayaa ugu yeeray Dagaalyahanada Al-shabab oo xiriri laleh ururka Al-Qaeda islamarkaana dowlada Soomaaliya dagaal kula jira inay kusoo biiraan horyaalka kubada cagta Soomalaiya.

 

Cabdiqani siciid carab waxa uusheegay in xiriirkiisu uusan mushkilad u arkaynin hadii Al-shabab ay kasoo qeybqaataan tartamada ciyaaraha kubada cagta ee ay xiriirkoodu qabtaan.

 

“Kama soo horjeedno anagu Al-shabab ,iyaguna nagama soo horjeedaan”Sidaa Cabdiqani Siciid carab  wuxuu usheegay warbaahinta BBC-da.

 

Guddoomiyaha Xiriirka ku bada cagta Soomaaliya Wuxuu sidoo kale sheegay inay jiraan kooxo kale oo dalka ka dhisan islamarkaana ka duwan Al-shabab  kuwaa oo iyaguna xiiseenaya inay horyaalka kusoo daraan si ciyaaraha ugaga qeybqaataan.

 

Horyaalka kubada cagta ee Soomaaliya ee uu iminka Cabdiqani siciid carab ugu baaqayo Alshabab inay kasoo qeybqaataan ayaa noqday mid la xiiseeyo markii 2014 la dayac tiray karoonka Stadium Koonis ee Muqdisho isagoo kulmiyay dhalinyarado farabadan oo ciyaaraha xiiseesa.

Comments

comments