Sababta uu u baaqday Shirka Kismaayo oo la sheegay

War ka soo baxay Madaxtooyada Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa lagu Cadeeyay inuu maanta baaqday Shirkii Madasha Qaran ee ka Furmi lahaa Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

 

Warka ka soo baxay Madaxtooyada Koofur Galbeed ayaa lagu sheegay in maanta uu dib u dhacay Shirkii lagu balansanaa inuu maanta oo Isniin ah ka Furmo Magaalada Kismaayo.

 

Sidoo kale Warka ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu Xaqiijiyay in Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ay bari oo Talaado ah tagayaan Kismaayo islamarkaana uu halkaa isla bari ka Furmi doono Shirka.

 

Kismaayo ayaa waxaa ku sugan Madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada iyo Ra’iisul Wasaaraha  Soomaaliya iyo waliba Xubno ka tirsan Beesha Caalamka.

Comments

comments