Ururrada macalimiinta Carabta oo ku dhawaqay Ururka cusub ee Waxbarashada dalalka carabta ah

Ururrada waxbarashada  ee  laba iyo toban dal oo  ka mida dalalka Carabta ah  ayaa  ku  kulmay 7 ilaa 8 bishan October  Magaalada Beirut ee dalka Lebanon si ay halkaas ugu dhisaan urur  cusub oo waxbarasho si kor loogu qaado tayada waxbarashada, xaaladda macalimiinta iyo horumarinta dimoqraadiyada ee  wadammadooda, qaar kamida madaxda ururrada macalimiinta ayan ku qanacsaneyn ururka hadda jira ee macalimiinta carbeed ee loo yaqaan Federation of Arab Teachers (FAT) taas oo ay aaminsanyihiin in uusan laheyn firfircooni ku filan iyo in uu ku tiirsanyahay doowladaha iyo Maamulka waxbarasho ee hoos taga dowladaha, waxaa taas sii dheer, in xubnaha ku jira uu dal walbo ka socdo hal urur, inta badana  kuwa dowladaha taageera, Si kastaba ha ahaatee, dhowrkii sano ee la soo dhaafay  ururro cusub oo macalimiin oo madax bannaan ayaa laga dhisay gobolka kuwaas oo aan codkooda si ku filan aan loogu matalin ururrada macalimiinta ee heer gobol.

Ayadoo qaar ka mid ah dalalka gobolka ka cabanaya kacdoonka iyo dagaal, iyo ayadoo  dalal  kalena ay soo foodsartay sidey ula qabsan lahaayeen  tirada sii kordhaysa ee qaxootiga ku soo qulqulaya, nidaamyada dugsiga (school system) oo aan shaqeeyneyn, sida Suuriya iyo Yemen, oo uu culeys weyn saaranayahay, sida xaaladu tahay marka loo eego dalalka Ciraaq, Lubnaan iyo Urdun. Badbaadada iyo ammaanka ardayda iyo macallimiinta iyo sidoo kale ixtiraamka xuquuqda madaniga macallimiinta iyo xorriyaadka xirfadeed ayaa  kamid ah caqabadaha kale oo badan oo u baahan in iskaashi adag oo wax ku ool ah ay ka yeeshaan dalalka gobolka.

Kooxo raacsan uruka caalamiga ee waxbarashada ee loo yaqaan (Education International) oo ka kala socday Kuwait iyo Lebanon ayaa sheegay in ururka carabta ee waxbarashada (AOE) in uu ka koobnaan doono ururrada shaqaalaha iyo ururrada aqoonyahannada oo ka soo kala jeeda siayasado iyo diimo kala duwan kuwas oo intooda badan ku xiran hay’adda caalamiga ee waxbarashada (EI) waxeyna xooga saari doonaan arrimaha shaqada iyo caqabadaha waxbarasho iyo xirfadeed, waxeyna isku dubaridayaan howlaha iyagoo kaashanayo hay’adda (EI) sidaas waxaa yiri ” Meteb Al Otaibi” oo xubin ka ah ururka macalimiinta dalka Kuwait.

Xoghayaha Guud ee (EI)  Fred van Leeuwen,  oo ka qayb galay kulanka  qeyb ka mid ah, ayaa sheegay in iskaashiga goboleed uu aad  muhiim u yahay. “Haddii aan dooneyno inaan ahaano wax ku ool isla markaana  guulaysta, waxaan u baahanahay inaan midaysanahay oo ku hadalno  hal cod kaliya,” ayuu yiri.

HAQABTIRE.NET    Isha Arrimaha Bulshada

Comments

comments