Daawo Sawiro+Warbxiin Xiiso leh Oo ka hadlaysa Xaalada Guud Ee Ka Jirta Hobyo, Wisil, Bud-Bud, Xaaro, Ceel-Dibir, Af-Guduudle, Bajeela, Biyamaal, Xera-Dhagaxley, Lebed, Xiin-God, Carfuuda iyo Laasa-Cadale, Laaso-Cayr

Safarkeygii Hobyo, Wisil, Bud-Bud, Xaaro, Ceel-Dibir, Af-Guduudle, Bajeela, Biyamaal, Xera-Dhagaxley, Lebed, Xiin-God, Carfuuda iyo Laasa-Cadale, Laaso-Cayr
Waxaan socdaalkayga oo ku saabsanaa u kuurgelida xaaladda Nololeed, Waxbarasho. Caafimaad, Biyo, Deeganno badan oo hoostaga Degmada Hobyo ka bilaabay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gonolka Mudug anigoo maraya dhinaca Dhulka, safar qaatay ka badan 15 maalmood oo ka badan 1000KM waxaan ku gaaray Deegaanada Xaaro, Ceel-Dibir, Af-Guduudle, Bajeela, Wisil, Jiray, Biyamaal, Xera-Dhagaxley, Cadad-lowlow, Hobyo, Lebed, Bud-bud, Laasa-cayr iyo Xiin-God, waxaan kaloo gaarey Deegaanada Carfuuda iyo Laasa-Cadale oo kulaala Degmada Gaalkacyo. Deegaanku waa mid aad iyo aad u balaaran, waa geed gaab inkastoo aad meelaha qaar ku arkayso geedo dhaadheer oo soo jiidasho leh, inta badan waxaa jira deegaanada jiilaaal hadana meelaha qaarkood waxa ku da’ay roobkii dayrta oo dhulka ka dhigay meel il doogsi leh, Baaxadda Dhulka aan maray ayaa iga yaabiyey yacni aad ayuu u waynaa mana ahayn mid aan filayey baaxad intaa la’eg inaan mari doono waxaana labada deegaan ee isugu dhow waxay isu jiraan 30KM iyo ka badan waxaa jira deeganada qaar oo isu jira qiyaastii 100KM sida Lebed iyo Budbud, Bajeela iyo Wisil 70KM, Wisil iyo Hobyo 60KM, halka aan safarka ka bilaabay ee Gaalkacyo iyo Xaarana waxay isu jiraan 160KM.
Wadooyinka
Guud ahaan marka dusha sare laga eego dhammaan deegaanada aan soo maray waxay dhibaato aan la soo koobi Karin ku qabeen dhinaca Wadooyinka, ma jirto wado Wanaagsan oo aad ku gaari garto deegaanada aan kor ku soo sheegay, waxaad maraysaa wado qardajeex ah oo mar noqonaysa Buur, marna Bacaad marna noqonaysa Dhagax aanay ishu milicsan karin. Waxaa ka mamnuuca marista Wadooyinka ka baxa Gaalkacyo ee aada dhinacyada Bari iyo Koofur Baabuur aan Ridooyo lahayn, taasina waxay sii adkaynaysaa u kala gooshida deegaano badan oo u dhexeeya Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Hobyo. Meelaha qaar sida aad u socoto waxaad waynaysaa wadadii oo dhan oo waxaa gooyey bacaad buuro dhaadheer ka soo degaya waxaadna markaas ku soconaysaa ilka cabir hadii aanad wadan darawal khibrad leh oo wadada kala yaqaana, waana tan aan uga mahadcelinyo darawalkii gaarigayga Cabdulahi Gal-Mudug.
Caafimaadka
Dhibaatada xigta ee ay ka siman yihiin Deeganada oo dhan waa dhinaca Caafimaadka marka laga reebo meelaha qaar oo leh MCH-yo aan tayo sidaas ah lahayn, waxaana qofka jiran loo soo qaadaa Magaalada Gaalkacyo oo Baabuurka lagu soo kireeyo ugu yaraan 500 oo Doolar, Tusaale markaan tegey Bud-bud waxaa Xanuunsatay Gabar si wayn deegaanka looga yaqaano oo uur lahyd waxaa loo qaaday deegaanka Ceel-Dibir oo ka yare horumarsan Bud-bud dhinaca caafimaadka isla markiina waa ay geeriyootay, waxaana dib loogu soo celiyey deegankeedii halkaas oo lagu aasay.. Tusaale kale intii aan joogey Deegaanka Xiin-god waxaan Xarunta MCH-ka deegaankaas ka wayney kaniini madax xanuun markii uu madax xanuun dareamay darwalkii gaariga, laakiin nasiib wanaag anigu waan ka heley kaniini calool xanuun.
Waxbarashada
Deegaanada qaar waxay lahaayeen Iskuulo Hoose/Dhexe waxaana hirgeliyey Hay’ado Samafal iyo Qurbjoog ka soo jeeda Deeganadaas, Deegaanada kalena maba laha meel aan Malcaamado Quraaan ahayn, Deeganada aan ku soo arkay Iskuulada waxa ka mid ah Xaaro, Ceel-Dibir, Bajeela, Wisil, Xera-Dhagaxley, Hobyo, Bud-bud, iyo Xiin-God, inta badan Iskuuladaas waxaa Boorash ama mushaari ka bixiya Hay’adda Qaramada Midoobey ee WFP, Deegaanada qaar sida Bajeela waxaa Xirmay Iskuulkii ku yaalay sababo la xiriira mushaaraad loo waayey Barayaashii wax ka dhigyey Iskuulkaas. Deegaanada kale ee aanan xusin ma jiraan Iskuulo ku yaala waana mid ka mid ah nasiib darada u soo hoyatey deegaanadaas, Waxaa taas ka sii daran oo ayaan daro ah intaan socday ma aanan arag Dugsi sare oo ku yaala deegaanadaas oo dhan waxaana Dugsi sare loo aadaa ciddii awooda Magaalada Gaalkacyo oo aad uga fog Tuulooyinka aan kor ku soo xusay
Biyaha iyo jiilalka.
Nolosha Bini’aadamka biyuhu waa lagama marmaaan, Biyo la’aan wa nolol la’aan ayaa hore loo yiri, inta badan deeganada aan soo maray waxay ka cabaan Ceel biyood ku yaala hareeraha deegaanadaas, waa ceelal gaagaaban oo intooda badani Qaraar ah, yacni aan macaanayn, dad badan oo caruur u badan ayaa khadyaan ka taagan cabista Biyahaas, meelaha qaarna sida Xiin-God, Af-Guduudle iyo Laasa-cayr waxaaba guri raba Ceelashaas hadii aaan laga soo gaarin, deegaanka Xera-Dhagaxleyna waxaa ka fog ceelasha ay biyaha ka cabaan taasina waxay keentay in dadka qaar aanay helin biyo ku filan. Halka meel ee Biyaha horumar ka gaartay waa deegaanka Wisil. Deegaankaasu waxay gaareen in guri walba Biyo la geliyo, halkaas oo ay ka cabaan iyaga iyo Xoolahooda. Taas bedelkeeda halka deegaan ee aan Ceel lahayn ee aan arkay waa deegaaanka Laasa-Cadale oo kulaala Magaalada Gaalkacyo dadka iyo Duunyada halkaas ku nool waxay ka cabaan Baraago lacag ah, taasoo ay uga duwan yihiin Deegaanadii aan soo maray. Dhinaca kale waxaa dhulkasi intiisa badan cayimay jiilaal,meelaha qaar sababay in laga guuro sida deeganka Af-Guduudle iyo laasa-cayr oo aan haysan wax aan Isgaarsiinta Hormuud ahayn.
Xaaladda Bini’aadanimo..
Deegaanada qaar waxaa ka jirta xaalad Bini’aadanimo tii ugu darayd taasoo asiibtay dadka iyo duumyada halkaasi ku nool, meelaha ugu qatarsan oo ay dadku dhulka beerka ku hayaan gaajo darteed waa deegaanka Lebed, waa deegan xeeb ah waxay dhinaca bari 30Km kaga beegan tahay Magaalada Hobyo, dadka halkaaasi ku nool waxay go’doon ka yihiin dhinac walba, waa deegaanka aan waayey ruux ruux ka jeeb roon, dhibaatada ugu daran ee haysata waa jid la’aan oo qiyaastii 10Km wadada loo maro tuuladaasi waa dhagax fiiq-fiiqan oo halis gelinaya taayarka Baabuurka, dadkaasi ma haystaan Iskuul, ma haystaan Caafimaad oo xitaa farmashi kuma yaalo, Ganacsi ma jiro, xitaa kuma arag qof wax iibinaya, deegaankaasi musqulo kuma yaalaan oo dadku waxay ku soo xaajaystaan jamalada badda hoostooda, waxay kaga duwan yihiin Deegandii aan soo maray Isgaarsiin la’aan tasoo sii adkaysay noloshooda, waxay ii sheegeen in ay sanadkiiba Badda ka kaluumystan 3 bilood oo kaliya, hadana ay Baddu kacsan tahay, waxa kliya ee ay haystani waa biyo ay ka cabeen Ceel biyood Hay’adi dhowaan u qoday. Deegaankaasi waxa soo raaca oo la dhihi karaa waxaa ka jirta Xaalad Bini’aadanimo deeganada Af-Guduudle iyo laasa-cayr oo Jiilal looga tegay, Xiin-God oo aan ku soo arkay qoysas badan aad u sabool ah iyo deegaaanka Xaaro oo dhibaatada ay u sii wehliso Isgaarsiin aad loogu dhibtoodo oo geedaha lala fuulo. waxa kale oo aan Xaalad Bini’adanimo ku soo arkay Deegaanka Carfuuda oo 20Km u jirta Magaalada Gaalkacyo halkaas oo ay ku barakaceen qoysas badan oo ka cararay dagaaldaii ka dhacay Gaalkacyo, inkastoo ay laabteen dad badan hadana waxaa jira qoysas awoodi waayey iney laabtaan sababo dhaqaale owgeed oo ay halkasi dhibaato ku haysato.
Deegaanada I soo jiitey
Meelaha I soo jiitay waxa aa ka mid ah deegaanka Wisil, waa deegaanka kaliya ee aan maray oo ay ka shaqeeyaan sedaxda shirkadood ee Isgaarsiin ee ka shaqeeya koofurta Soomaliya, waa deegaanka kaliya ee Biyo Hodon ku ah waxayna leedahay Sedax Matoor oo wada shaqeeya, waa deegaanka kaliya ee aan ku arkay Iskuul Gabdhaha u gaar ah oo la aado gelinka danbe, waa deegaanka kaliya ee leh cimilada Magaalada Muqdsiho.
waxa kale oo uu muqdsiho la wadaagaa geedaha Tiitiinka, Talaalka ama Mirimiriga iyo Geedka kaligi noolaha, waa Deegaanka kaliya ee leh Jaamacad lagu barto Culuumta Islaamka, Siyaarooyinka ayaa aad looga qadariyaa Deegaankaas, waxaan gaarey Dabayaaqadii bishii Mowliid waxaa ka socday Siyaarooyinka kala duwan marka laga reebo xuska nebiga waxaan ka xusi karaa Siyaarada Shiikh Aways Al Qaadiriya oo halkaasi ka socotay
Deegaanada kale ee I soo jiitey waxaa ka mid ah Deegaanka Ceel-Dibir waa deegaanka ugu nadaamsan intii aan soo maray waxa loo cabiray si waafaqsan sharciga waxay ka Cabir wanaagsan tahay xitaa Magaalada Gaalkacyo, waxay kaloo magaaladaasi ku guulaysatay Biyo iyo Koronto gelinta Deegaanka oo dhan inkastoo aanay u shaqayn sidii la rabey. Waa deeganka kaliya ee leh laba cusbataal inkastoo aanu midi shaqayn sababao aan la ii sheegin, Waa deegaanka kaliya ee aan ku arkay Arday fasalka 8aad ah, oo ka qalin jenbin raba Dugsiga dhexe.
Deegaanka 3aad ee I soo jiitey waa deegaanka Xera-dhagaxley, waa deegaan ku caan baxay Beerista Qudaarta kala duwan sida Canbaha, Mooska, Yaanyada, Barbarooniga IWM, waxaana soo raaca Mesegada. dadka leh beerahaas waxay ku waraabiyaan Ceel gacmeedyo ay iyagu maalgashadeen, waxaan hubaa hadii deegaankaasi laga samayn lahaa Biya gelin iney dad badani wax soo saran lahaayeen
Hay’adaha Deegaanka ka shaqeeya..
Deegaanada aan oo maray oo dhan waxa ka shaqeeya oo si wayn looga yaqaanaa Hay’adda Maraykanka ee IRC, waxayna ka shaqaysaa Biyaha, Caafimaadka, Nadaafadda, Shaqo Abuurka, Fayadhowrka Bulshada, Beeraha, Xoolaha, lacag bixinta, Dhismayasha Xarumaha lagu kulmo iyo ka hortaga xadgudubka haweenka IWM, waxaana soo raaca Hay’adda CESVI ee Talyaniga, Hay’adda Maxaliga ah ee ADESO iyo Hay’adda ICRC.
Talo soo jeedin.
1- Gal-Mudug. Dowled Gobleedka Gal-Mudug waxaa la gudboon in ay dadka ku nool deegaanada hoos yimaada Maamulkeeda u furto Dekeda Hobyo si ay u shaqayso, taas oo aan hubo iney dabooli doonto dhibatooyin badan oo hadda taagan.Waxa kaloo looga bahan yahay Maamulka isagoo kaashanya Dowlada Dhexe inuu Deegaandaas Wadooyin u sameeyo si isu socodka gaadiidku u fududaado.
2- Hay’adaha. Hay’adaha samafalka ee ka shaqeeya Gobolka oo ay ku jiraan kuwa Qaramada Midoobey waa iney cududooda mideeyaan oo ay deegaanada aan soo xusay ka saneeyaan xarumo caafimaad oo lagu badbaadin karo dadka dhibataysan oo caruurta, hooyada iyo waayeelka u badan, kana qayb qaataan dhismayaasha wadooyinka maadama iyaguba dhibaato ku qabaan.
3- Hormuud. Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud waa Shirkadda kaliya ee ka shaqaysa dhammaan deeganada aan soo maray marka laga reebo Deegaanka Lebed oo go’doon ah, hadana ay ka taagan tahay Xaalad Bini’aadanimo tii ugu darayd, marka si loo badbadiyo dadka iyo duunyada halkaas ku nool waa in la gaarsiiyaaa adeegga Hormuud si ay ugu yaraan u qayla dhaamiyaan Eheladooda iyo Qarabadooda.
Gebagebo. Intii aan marayey Deegaanada aan soo xusay oo dhan waxaan is lahaa Tuulo walba oo aad tagto ka waayi maysid qof aad taqaano oo ka mid ah dadka deegaanka amaba booqasho ku jooga, laakiin taasi ma dhicin marka laga reebo Deegaanka Bud-bud oo aan kula kulmay hal nin oo aan ilaa yareenteenii is naqaaney, ninkaasi wax badan ayuu taray dadka deeaanka Bud-bud waxa uu ka mid yahay waxgaradka deegaanka waxaana Hay’adda IRC u tababartay talaalka Xoolaha nool, waxa uu ii sheegay inuu 8-dii saacba Talaali karo ku dhowaad 1000 neef, marka waxaan leeyahay waa in ugu yaraan reerihii iyo deegaankii la siyaartaa oo wax loo qabtaa yacni dib loo laabtaa…
W/Q. Cabdinaasir Xersi Iidle
E-mail. Naasirx1@gmail.com
Tel. 00252615503978.
1239408_1054649581263432_6475205338050912078_n

12439557_1054650454596678_595234193480078283_n

12540875_1054649064596817_2386633517937007795_n

12549037_1054649711263419_7769376862008193050_n

12631391_1054648664596857_7437467971877947685_n

12642940_1054649764596747_6037010947175190420_n

12647005_1054649851263405_7501970180069085996_n

12647028_1054648924596831_6252123443474340298_n

12647176_1054648791263511_8483744646186454561_n (1)

12647488_1054650364596687_5356704260892065414_n (1)

Comments

comments