Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfurgalbeed oo sheegay in dib loo furayo waddooyinka Gobolka Bakool

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfurgalbeed ee dalka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta kulan la qaatay qaar ka tirsan Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Bakool, kaasi oo looga hadlayay xoojinta amniga iyo ka shaqeynta horumarka gobolka.

Guddoomiyaha gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tool oo kulanka hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in maamulkiisu uu xoogga saari doono ka shaqeynta nabadgelyada.

Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur “Aadan Madoobe” oo ka mid ah Xildhibaannada baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay inay taageersanyihiin mowqifkii uu ka qaatay shirka madasha wada tashiga Qaran ee hanaanka doorasho ee lagu wado in ay dalka kadhacdo sanadkan 2016-ka.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfurgalbeed ee dalka Mudane Shariif Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in la furi doono dhamaan waddooyinka gobolka soo gala,

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfurgalbeed ee Soomaaliya ayaaa markii uu shalay gaaray degmada Xudur waxa uu tababbar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidamada darawiishta ee mamulkaasi,

Comments

comments