Madaxweynaha Galmudug oo Muqdisho yimid

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho,
iyadoo ay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ay ku soo dhaweeyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Labada Gole ee Dowladda.

Madaxweynaha Galmudug oo la hadlay Saxafadda ayaa sheegay in u jeedka uu u yimid Magaalada Muqdisho ay tahay ka qeyb galka Shirka Madasha Qaran ee la doonayo in Madaxda Soomaalida ay ku go’aamiyaan Nuuca Doorasho ee Soomaalya ka dhaceysa daba yaaqada Sanadkaan.

Shalay ayaa sidoo kale waxaa Magaalada Soo gaaray Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland,

iyadoo uu maantana Muqdisho dib ugu soo laabtay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale waxaa la filayaa in Bari oo Talaado ah uu Muqdisho ka furmo Shirka lagu Go’aaminayo Nuuca Doorasho ee Dalka ka dhici doonta.

Comments

comments