Warbixin+Sawirro:Madaxweynaha oo Muqdisho ka furay shir gaar ah oo qeyb ka ah Madasha Wadatashiga Qaranka

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gelinkii dambe maanta Xarunta Madaxtooyada ka furey shir gaar ah oo qeyb ka ah Madasha Wadatashiga Qaranka, kaas oo la doonayo in lagu go’aamiyo nooca doorasho ee dalka ku habboon sannadkan 2016-ka.

Shirkan oo ay albaabadu u xirnaayeen, ayaa waxaa ka soo qeybgaley Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Guddoomiye Ku Xigeenka 2-aad ee Baarlamanka Federaalka, Mudane Mahad Cabdalla Cawad, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka, Mudane Maxamed Cumar Carte, Madaxda Dowlad Goboleedyada, Puntland, Cabdiweli Maxamed Gaas, Koonfuur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam iyo Galmudug, Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Diblomaasiyiinta beesha caalamka oo uu horkacayo Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaalia, Michael Keating iyo xubno kale.

Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa la filayaa in laga soo saaro go’aanka ku saabsan nooca doorasho ee dalku yeelan doono iyo arrimo kale oo la xiriira Hiigsiga 2016-ka Somalia
1c7cb1cb-6a7e-42c5-ae5b-7aa6bc34416a-1

8b083b2d-0aed-4d4b-974f-3b57b508f126-1

8d50f216-c0c1-4b44-9db4-4047197127a8-1

9cb8da99-f8b3-441e-9ddb-76a0b624f922

045be82c-23ef-455b-8ae7-49db187ebafd

065b14fb-3c61-439c-b2e8-7448598cadb8

147489c7-a68b-45dc-900b-63941e8f5eb9

Comments

comments