Al shabaab oo qabsaday Ceelcadde Iyo Ciidamada Kenya oo isaga baxay halkaasi.

Wararka ka imaanaya Deegaanka Ceelcadde ee Gobolka Gedo, ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe ciidamada Kenya ay isaga baxeen Deegaanka Ceelcadde.

Dadka fara ku tiriska ah ee ku nool Deegaanka Ceelcadde, ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in ciidamada Kenya xalay saqdii dhexe ay ka guureen guud ahaan Magaalada.

Intii ciidanka Kenya ay ku guda jireen Guuritaanka waxaa hawada laga saaray Isgaarsiinta Magaalada, balse waxa ay Isgaarsiinta hawada dib ugu soo noqotay saaka aroortii.

Ciidamada Shabaab oo markii horeba ku sugnaa meel aanan ka fogeyn Deegaanka Ceelcadde, ayaa bilaabay inay soo galaan Magaalada oo ay dib u qabsadaan iyaga oo wata gaadiid dagaal ciidamo badana ah.

15-kii Bishan ayeey aheyd markii ciidamada Kenya weerar culus lagula eegtay Deegaanka Ceelcadde, waxaana halkaasi looga dilay ciidan badan oo Kenya weli aysan shaacin tiradooda, inkastoo Shabaab ay sheegteen inay dileen ku dhawaad 100 Askari.

11 Maalin kadib weerarkii Deegaanka Ceelcadde Ciidamada Kenya waxa ay go’aansadeen inay isaga baxaan Deegaanka.

Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa duqeyn ku asqeeyay Deegaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo ee Koonfurta Dalka Somaliya.

Comments

comments