Hannaanxumo mise hoggaanxumo?!

Maxaa lagu gartaa hoggaamiyaha wanaagsan, diinta islaamkuna maxay ka tiri?

Marka laga hadlayo hoggaanka fiican ama hoggaamiye fiican, waxaa , in ay maskaxdeenna ku soo dhacdo, su’aasha ah, waa maxay tolow astaamaha uu yeelan karo hoggaamiye fiicani? Maxaase lagu gartaa oo astaan u ah? Waxaan marka is ku deyeynaa, in aynu ka eegno ama ka abaarnno laba dhinac oo ka la ah;
1- Dhinaca Islaamka iyo maxaa uu ka qabaa hoggaanka fiican.
2- Dhinaca kale, oo ah, adduunkan casrigaa, ee hadda aynu ku noolahay, ee xadaaradda reer galbeedku majaraha u hayso iyo siday u arkaan ama waxa ay u shardiyaan, in ay astaan u tahay hoggaanka wanaagsan.

Haddii aynu ku horaynno dhinaca diinteenna iyo Islaamnnimada fiican iyo siday u aragto hoggaamiye fiican, waxaynu soo qaadan karnaa, oo tusaale fiican inoo noqon kara Nebigigeenii suubanaa SCW, oo dabecaddiisa iyo kartidiisa hoggaamineed ee uu lahaa ay, Caa’isha Umul Muuminiin ku sifaysay, in uu ahaa (Qur’aanka, kaana khuluquhul qur,’aan). Akhristow waxaa lagayaabaa, in aad iswaydiiso, maxaa is ku xidhay dabeecad, karti iyo astaan hoggaamineed. Sida xadiiska ka cad, waxaa hadda Caa’isha sifaysay dabecadda uu lahaa Suubbanuhu, laakiin, dibni ahaana waxaa ku hoos jira, in awoodaha fulineed ee hoggaamineed ee Nebigu lahaa, ay iyana ku qotontay kana dhinbiil iyo shidaalba qadanaysay Qur’aankeenna Kariimka ah, oo inoo sheegay, in aan waxaba lagu dhaafin, hadday tahay siyasadda Dawlad lagu maamulo dhaqan, dhaqaale iyo qawaacidda sharci ee udejsan maamulka dawladda Islaami ah.
Astaamaha guud ee ugu muhiimsan uguna caansan marka laga hadlayo hoggaamiye wanaagsan, marka lagu eego aragti islaamiya waxaa ka mida kuwoodda ugu muhiimsan.

1- Inay si dhab ah u aaminsanyahay ummadda uu hoggaaminayo, kuna hoggaamiyo caqiiqada ummadaasi ay leedahay.

2- Inuu yahay mid tala wadaag ah, lana tashado dadka diinta iyo cilmiga u saaxiibka ah

3- Inuu yahay geesi ubabac dhigikara khatar kasta oo timaadda, maslaxada caamka ahna uu ka hormariyo midiisa khaaska ah.

4- Inuu ku tiirsanaado dhabta, uusana is ka rumaynin kuwa ku hareeraysan ama cid gaar ah waxa ay uga sheegayso ummaddiisa ee uu wax walba u kuur galo

5- Inuu yahay hoggaan caafimaad qaba, oo aan maskax ahaan u daalin oo firfircoon

6- Inuu yaqaanno diinta iyo culuumta maamulka, dhaqaalaha iyo hoggaaminta

7- Inuu yahay qof nadiif ah oo ka baraxtiran musuqmaasuqa iyo qabyaaladda

8- Dadka inuu kasban karo oo uusan ahayn mid afxun oo dadka didiya

9- Mid fahmi kara shirqoollada shisheeya, lana jaan qaadi kara siyaasadaha caalamka

10- Inuu yahay nin diin leh, ilaahay ka cabsiguusuna badanyahay

Qodabbadaas aan kor ku soo sheegnay waa qeyb ka mida waxyaabaha ugu muhiimsan ee qofka hoggaamiyaha ah laga doonayo, waxaa sidoo kale muhiim ah in qofka hoggaamiyaha ah uu leeyahay han fog oo uu ku kala saari karo waxa mustaqbalka iyo aayaha umaddiisa wax yeeli karra.

Geesta kale, waxaa laga ma marmaan ah, in qofka hoggaamiyaha ah uu yahay, deeqsi af wanaagsan aan dadka ka la jeclaysan, mar kastana ku dadaala caddaladda iyo u sinnaanta umadda uu hoggaamiyo; waxaana tusaale inoogu filan Nebigeena oo lagu yiri haddii aad adkaan lahayd qalbigaaguna adagyahay, asxaabtaadu mar hore ayay kaa yaaci lahayeen, ee la tasho weligaa dadkaaga. Kan kugu dhaca, ee kaa soo horjeeda xagga aragtidana iska cafi oo ha sii daba gelin. Aan haddaba isku dayo, in aan isdultaagno, waa maxay aragatida ay reer galbeedku ku eegaan markay doonayaan , in ay ka hadlaan hoggaanka wanaagsan ama hoggaamiye wanaagsan, iyada oo ay is ka caddahay, in ay fara badnaan karto astaamaha hoggaanka wanaagsani uu yeelan karo, aan is ku dayo, in aan qaarka ugu badan ee ay sheegaan wax kasoo qadanno:

1- A sense of purpose.

2- Justice.

3- Temperance.

4- Respect.

5- Empowerment.

6- Courage.

7- Deep commitment.
Waxaa markaa haddaba inoo soobaxaysa, oo halkaa ka cad, in ay jiraan waxyaabo badan ama astaamo badan oo ay reer galbeedku ka dheegteen diinteena xaniifkaa, aad kana dheehan karto sida markay ka hadalayaan justice (caddaaladda) oo ah erey aad u gudo ballaaran qofkii ka madhanina ama aan kusifaysnaynina aanu noqon karin hoggaamiye.
Marka haddaba aynu u soo noqonno waddankeenna, waxaad moddaa, in aynu ka eegayno aragti taa ka duwan, marka aynu doonayno , aaynu soo saarno hoggaamiye, ku sifaysan akhlaaq hoggaamineed, ha noqoto hay’ad fulineed ama mid sharci dejin mid dawalado hoose mid dhaqan iyo saldanad iwm.

Astaamaha inoo halbeegga ah, ee ka noqotay wax caadiya agteenna waxaa ka mida;
1- Qabiil iyo reernimo, isxigsasho qabyaaladaysan.

2- Isdeegaamaysi iyo isriixid aan ku fadhiyin miisaan cilmiyaysan.

3- Muxuu ka qabsan karaa ama inooga qaban karaa hebel booska, intuu joogo meesha ama waa miskiinoo xitaa waxaba ka muu qabsan, intuu meesha joogay beriguu xilkaa hayey, waa erey ama erayo maalin laa, oo agteena caadi ka noqotay.

Marka su’aashu waxay tahay; intii aan is ku dooranayno nidamkaas qallafsan, ee ka dheer, caddaaladda iyo xaqa, ma laga yaabaa, inuu dalkeennu hagaago, aan dhisanno dowlad dhammaystiran oo halbeggeedu dheeryahay? Haddaba, hadday jawabtaadu maya tahay, ku dadaal sidii aad qeyb uga noqon lahayd, dhismaha dalka iyo dadka, waxaa hubaal ah, in dad badan oo innaga mida ay ku qanacsanyihiin, in ay maalin walban na matalaan dad aan wax badan ka odorosi karin arrimaha siyaasadda iyo dunida maanta jahada ay u socoto, marka waxaa laga ma maarmaan ah, haddii aan rabno is beddel dhab ah, oo hoggamineed, in aan dhisno nidaam iyo haykal dowladeed, oo aan ku hirgelin karno, inaan wax u dhiibanno hoggaan annaga ina matali kara.

Waxaan si kooban tusaale ugu soo qaadanayaa hoggaamiye ka mida kuwa maanta dunida wax ka baddalay, dalkiisa iyo dadkiisana gaarsiyay milgo iyo noolol wanaagsan oo isku filnaasho ah. Hoggaamiyahaasi waa Mahatir Mohamed Waa raysal wasaarihii hore ee dalka Malaysia, wuxuu xilka qabtay 1981 iyada oo dadkiisu 52% ay ahayeen fakhri, Malaysia oo wagaas ku tiirsanayd kaliya beeraha oo aan lahayn wax wershado ah.

Wuxuu qoray kitaab uu ku canaananayo dadkiisa Malayga ah, oo uu ku tilmaamayo, inay yihiin dad caajislowyaal ah, wuxuuna kasbaday qalbigooda, wuxuu Malaysia u baddalay waddan maamul wanaagsan, oo wax soo saar leh, 2002 dadkii fakhriga ahaa ee Malaysia waxay noqdeen 5% kaliya, 80% waxay ay dunida u iibgayso waa wax lagu sameeyo warshadaha dalka Malaysia, 85% gawaarida ay ka xaystaan waxaa lagu sameeyaa dalka gudihiisa.

Sidaas oo ay tahay, isaga oo la jecelyahay ayuu xilka ka degay 2003 markii uu arkay, in ay jiraan rag kale oo uga habboon, inay sii wadaan geeddi socodka horumarka Malaysia.
GUNAANAD.

Hoggaamiyuhu ma aha madaxweynaha ama qofka idinku daraja sarreeya, balse, waa kan lagu daydo. Ma aha qofka koox ahaan idinku mushaarka badan, balse, waa khatar u bareeraha. Ma aha qofka idinku gaawaarida badan ama idinku guryaha weyn, balse, waa adeegaha. Ma aha qofka nafsadiisa ama nafsadeeda horumariya, balse, waa kan horumariya kuwa kale. Ma ah maareeye, balse, waa curiye. Ma aha qaate, balse, waa bixiye. Ma aha hadlaa afminshaar ah, balse, waa dhagayste.

Dhammaad.

Tixraac(References)

1- Buuga Hogaaminta Wanaagsan, Dr.Cabdi Shire; first edition

2- Qaamuuska Af-Soomaali, Yaasiin C. Keenadiid

3- Kitaaba Siirada Nabiga ee Ibnu Hishaam

4-http://vb.maharty.com/showthread.php?t=9602

5-Qore: C/raxmaan C/risaaq C/raxmaan

6- Qore: Xusseen Faarax Sagal

W/Q: Mohamed Abdirizak Farah (Irbad)

Comments

comments