Kulamo lagu Wacyi-galinayo Bulshada Degmada Xamar-weyne oo lagu qabtay Xarunta Degmadasi+(Sawiro)

Kulankaan oo ahaa mid wacyigalineed ayaa waxaa ka qeybgalay qaar ka mid ah Bulshada Dagmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir, ku waasoo ka faa,ideystay Riwaayadaha iyo Heesaha wacyigalinta ahaa ee ay soo bandhigeen Golaha Abwaanada Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Dgmada Xamarweyne Cabduqaadir Maxamed Cabduqaadir oo ka qeyb galayay Barnaamijka Bulshada lagu dhiiri galinayay inay horumarka iyo Nanadda ka shaqeeyaan ayaa waxa uu ka qaybgalayaashii kulanka waxuu kula dardaarmay in qof walba meesha uu joogo uu howsha ka bilaabo si Magaalada ay u hesho xasilooni iyo horumar.

Taabagalinta Barnaamishkaan wacyi galineed oo ay leedahay Hay,adda Kaah ayaa madaxdeedu waxa ay balan qaadeen dhamaan Dagmooyinka Gobolka Banaadir inay ka fulindoonaan mashruucaan Bulshada lagula dhiiri galinayo inay isku filnaasho gaaraan.

Barnaamishkaan oo lagu qabtay xarunta Dagmada Xamarweyne ayaa waxaa si aad ah uga dhex muuqday Golaha Abwaanada oo dhamaan ka qaybgalayaashii xafladda u soo bandhigay Suugaan aaad loo jecleysay.

Kulamada Noocaan oo kale ayaa maalmaha soosocda ka sii socondoono Dagmooyinka Gobolka Banaadir.

DSC09269

DSC09274

DSC09276

DSC09281

DSC09284

DSC09288

DSC09289

DSC09290

DSC09297

DSC09299

DSC09314

Comments

comments