Marxuum Cabdi Xaaji Goobdon oo saaka ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Saaka aroortii Isbitaalka Daaru Shifa ee Magaalada Muqdisho, waxaa ku geeriyooday Allah u naxariistee Marxuum Cabdi Xaaji Goobdon.

Cabdi Xaaji Goobdon ayaa ahaa Khabiir Saxaafadeed, sidoo kalena la soo shaqeeyay Dowladihii kala duwanaa ee dalka Somaliya soo maray.

Marxuumka oo xanuun deg deg ah uu wadnaha kaga soo booday, ayaa loola cararay Isbitaalka Daaru Shifa, kadib markii halkaasi la geeyay ayuu ku dhintay Isbitaalka, xilli Dhaqaatiirta ay la tacaalayeen xaaladiisa caafimaad.

Abuukar Xaaji Goobdon oo la dhashay Marxuumka geriyooday ayaa xaqiijiyay geerida walaalkiisa, wuxuuna u dhintay Xanuun wadnaha kaga soo booday.

Cabdi Xaaji Goobdon, Allaha u naxariistee wuxuu la soo shaqeeyay Dowladii Maxamed Siyaad Barre ilaa Dowladihii ka dambeeyay intooda badan oo qaarkood Afhayeen Xukuumadeed uu ka soo noqday, qaarna uu ka ahaa la Taliye Saxaafadeed.

Marxuumka ayaa ka mid ahaa Shaqsiyaadkii ka shaqeynaayay Xeerka Saxaafadda Somaliya ee Dhawaan Madaxweynaha dalka uu ansixiyay.

Marxuum Cabdi Xaaji Goobdon, ayaa waxaa si weyn u xasuusta Bahda Saxaafadda Somaliya, maadaama uu ka mid ahaa Shaqsiyaadka wax laga weydiinaayo Saxaafadda Somaliya.

vlcsnap-2016-01-25-22h22m28s144

Comments

comments