Gudoomiye Jawaari oo dalka dib ugu soo laabtay kadib Shir uu ugu qeyb galay Ciraaq iyo Turkiga

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa manta Barqadii dalka dib ugu soo laabtay Shirar uu ugu qeyb galay Dalka Ciraaq.

Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Wafdigiisa waxaa Garoonka Muqdisho ku soo dhaweeyay qaar ka mid ah ku Xigeenadiisay iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa ka qeybgalay shirka Baarlamaannada dalalka Iskaashiga Islaamka ee lagu qabtay magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq, halkaasi oo uu ka jeediyay khudbad uu kaga hadlayay hormarka ay Soomaaliya ku tallaabsatay iyo halka la hiigsanayo mustaqbalka soo socda oo ay ugu horeyso sida ay Soomaaliya ugu diyaarsan tahay iney ka faa’ideysato kheyraadka Dalkeeda.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan jawaari ayaa Madaxdii ka soo qeyb gashay Shirka ku booriyay iney Soomaaliya maalgashi ku sameystaan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa intii uu ku sugnaa Ciraaq waxa uu halkaasi kula kulmay Masuuliyiin ka kala socday Dalalka Turkiga, Bakistaan iyo dalka Martida loo ahaa ee Ciraaq..

Comments

comments