Qaxooti ka badan 1200 oo ruux oo laga soo badbaadiyay xeebaha Talyaaniga

Ilaalada xeebaha dalka Talyaaniga ayaa shalay ka soo badbaadiyay 1,271 ruux oo saarnaa dooman ka samaysan baco iyo alwaax kuwaasoo ka soo shiraacday xeebaha dalka Libya.

Maraakiibta ciidamada badda ee dalka Talyaaniga iyo markab ay leeyihiin ciidamada Milatariga dalka Slovenia ayaa ka qeybgalay howlgalkan lagu badbaadinayay dadkan soo galootiga ah.

Howlgalo dadka soo galootiga ah lagu soo badbaadinayo isla markaana ilaalo ka ah xeebaha dalka Talyaaniga ayaa waxaa ay ku bahoobay qaar ka mid ah dalalka reer Yurub kuwaasoo soo badbaadiya dadka u badan dhalinyarada ee isku soo biimeynaya xeebaha dalka Libya.

Wadamada ku yaal qaarada Yurub ayaa wajahaya soo galootigii ugu badnaa ee abid soo gaara dalalka ku yaal qaarada Yurub.

Comments

comments