(sawiro Iyo Muqaal) Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya oo 6 qodob ka soo saaray Shirar lagu guul sareystay oo ka dhacay dalka

Gudoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta go’aan Cad ka soo saaray Shaqada ay hayaan Madasha Wadatashiga qaran ee ku howlan dejinta nooca doorasho ee Dalka ka dhaceyso marka ay dhamaato waqtiga Dowlada hada jirto.

Madasha Wadatashiga Qaranka waxaa qeyb ka ah Madaxda Dowlada federaalka Soomaaliya, Madaxda Maamul goboleedyada Dalka, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Gudoonka ayaa qoraalkii ka soo baxay waxaa lagu sheegay in aysan aqbali doonin in shirarkaasi ay ka baxaan go’aano aan lo dhameyn isla markaana kicin kara Xiisado colaadeed.

Qoraalka Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sidoo sheegay in ay wanaagsan tahay in Shirarka ka socda Muqdisho ay ka soo baxaan wax ay ku qanacsan yihiin dhamaan Shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa ilaa hada socda Shirar gaar gaar ah oo ka soconayo Magaalada Muqdisho isla markaana aysan jirin wax go’aan ah oo ka soo baxay Shirarkoodasax-waaye-111

sax-waaye-222
hoos ka daawo warka oo dhameystiran:https://www.youtube.com/watch?v=0F39VP_El7M&feature=youtu.be

Comments

comments