Wararkii ugu dambeeyay Shirka Madasha Oo ka socday Muqdisho

Iyadoo Magaalada Muqdisho laga furay Shirka Madasha Qaran ee lagu Go’aaminayo Nuuca Doorasho ee Dalka ka dhici karta dhamaadka Sanadkaan ayaa waxaa ka soo baxaya Shirkaasi Warar kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in Shalay ilaa Xalay aysan dhicin Wax Shir ah oo u dhexeeya Madaxda Soomaalida,marka laga reebo Kulamo gaar gaar ah oo Beesha Caalamka ay la yeelatay Jileyaasha Siyaasadda Soomaaliya.

Madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada ayaa waxaa siyaabo kala duwan ula kulmay Wakiilka Cusub ee QM Michael Keating iyo Safiirka Dowladda Turkiga ee u jooga Soomaaliya si bal xal loo gaaro.

Dadka falanqeeya arimaha Soomaaliya ayaa sheegaya in ay arintaani ay soo dadajin doonto in si toos ah arintaan ay u soo faragaliyaan Urur goboleedka IGAD iyo deeq bixiyaasha caalamka hadii ay go’aan ku gaari waayaan maanta oo ay tahay waqtiga kama dambesta ah.

Maanta waxaa ku Eg waqtigii Madaxda Soomaalida oo qabtay in ay ku shaaciyaan Nuuca Doorasho ee Soomaaliya ka dhaceysa Dabayaaqada Sanadkaan.

Wali ma muuqato wax isku Tanaasul ah oo ay sameeyeen Madaxda Soomaalida ee Go’aanka laga sugayo,waxaana Arrinta ugu weyn ay tahay Qaabka lagu soo xulayo Labada Aqal.iyadoo wali uu jiro Isjiid jiid iyo kala Fikir duwanaan.
065b14fb-3c61-439c-b2e8-7448598cadb8

9cb8da99-f8b3-441e-9ddb-76a0b624f922

045be82c-23ef-455b-8ae7-49db187ebafd

8d50f216-c0c1-4b44-9db4-4047197127a8-1

8b083b2d-0aed-4d4b-974f-3b57b508f126-1

Comments

comments