Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo Booqday dhaawacyada ku jira Isbitaal Madiina Muqdisho

Guddoomiyaha Guddiga adeega bulashada ee Baarlamaanka Soomaaliya Dr Cismaan Maxamuud Dufle iyo xubno ka tirsan Guddiga ayaa maanta booqday bukaanada ku jira isbtaalka Madiina, gaar ahaan dadkii ku dhaawacmay weerarkii lagu qaaday Baarka Xeebta Liido ee Muqdisho.

Guddoomiyaha iyo xubnaha ku waheliya kormeerka ayaa Waxay xog wareysi la yeesheen qaar ka mid ah bukaanada ku jira isbitaalka, iyo Maamulka.

Agaasimaha Isbitaalka Madiina Dr .Maxamed Yuusf ayaa wafdiga uga warbixiyay xaalada caafimaad ee bukaanada ku jira isbitaalka Madiina.iyo sida ay ula tacaaleen Caafimaadkooda.

Guddoomiyaha Guddiga adeega bulashadda Baarlamaanka Soomaaliya Dr Cusmaan Maxamed Maxamuud Dufle, ayaa tilmaamay in ujeeddada ugu weyn booqashadooda ay tahay ka warqabka adeegayada caafimaad iyo bulshada ay helaan, kaasi oo qeyb ka ah warbixin sanadeedka la xiriira adeegyada bulshada, oo sanadkii mar ay golaha baarlamaanka horgeeyaan.

Dhamaadka todobaadkii hore ayay ahayd Markii Weerar ay masuuliyadiisa Sheegteen Al-Shabaab lagu qaaday Baarka Xeebta Liido ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho, waxaana halkaasi ku dhintay in ka badan 25 qof sida ay sheegeen Hay’adaha Caafimaadka.

Comments

comments