Ciidanka Kenya ee qeybta ka ah AMISOM oo ka baxay Buula-gaduud

Wararka ka imaanaya deegaanka Buula-gaduud ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ay isaga baxeen fariisimadii ay ku lahaayeen halkaasi.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in Ciidamada Kenya ay ka qalab uruursadeen deegaanka,islamarkaana si toos ah u baneeyeen deegaanka Buula-gaduud,waxaana la arkayay ciidamada Kenya oo sii baxayay.

Markii Ciidamada Kenya isaga baxeen deegaanka Buula-gaduud ayaa dagaal xoogan wuxuu ku qabsaday deegaanka Yoontooy oo sidaasi kaga fogeyn Buula-gaduud oo ciidamada Kenya ay ka baxeen.

Dagaalka ayaa la sheegayaa inuu ka dhacay deegaanka Yoontooy oo Ciidamada Kenya iyo kuwa Al-shabaab ay ku dagaalameen,waxaana wararka aan heleyno ay sheegayaan inuu qasaaro jiro.

Deegaanka Buula-gaduud ee ay ka baxeen ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM,ayaa duleedka kaga yaala magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose,waxaana hada la soo sheegayaa in deegaanka Buula-gaduud aysan jirin ciidan ku sugan.

Sababta Ciidanka Kenya ay uga baxayaan fariisimaha Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa lagu sheegay tahay amar ka soo baxay Saraakiisha Ciidanka Dowladda Soomaaliya.

Tan iyo wixii ka danbeeyay weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen deegaanka Ceel-cadde waxaa isa soo tarayay cabsida iyo walaaca ay muujinayaan ciidanka Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

Comments

comments