Barraha Internet-yada oo lagu baahinaayo Muqaalo Iyo Sawiro Laga qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh xili uu ku sugna Magaalada Eldoret,

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa socdaalkii uu ku tagey Magaalada Eldoret,waxaa uu ka soo hoyey bahdil dhanka dhaqanka somalida, markii uu ka dagay Garoonka Eldoret isagoo u sajuuday xuskii askarta Kenya loogu sameeyay Eldoret .
Sidoo kale madaxweyne Xasan sheekh waxa uu ka aamusay xasuuqa ay diyaaradaha Kenya ka geystayn Gobolka Gedo.
Arintan waxaa si adag uga carooday dadka Somaliyeed iyagoo ku muujinayey barraha ay bulshadu ku wada xiriirto, ayna soo dedejisay in si deg deg ah uu ugu soo laabto Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Somaliya iyo xubnaha kale ee Dowladdiisa ku jiraba, waxay indhaha ka daboosheen dadka maatida ah ee diyaaradaha dagaalka Kenya ku leynayaan qaybo ka mid ah Gobolkaasi Gedo, wixii ka dambeeyay weerarkii ay Al Shabaab 15-kii bishan ku qaadeen xeradii Ciidanka Kenya ku lahaayeen Degmada Ceelcadde.

Dadka odoroso siyaasadda Somaliya, ayaa kuu sheegaaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu qudhiisu dareensan yahay, in ay sumcad xumo u tahay, inuu ka aamuso dhibaatada loo gaysanaayo shacabkiisa.

Siyaasiyiinta isha ku haaya arrimaha dalka, ayaa waxay qabaan in Madaxda Somalidu yihiin kuwo dareen ka qaba in xilalkoodu ay ku waayaan, haddii ay si adag kaga horyimaadaan ficilada guracan ee dalalka deriska.

Bulshada Somaliyeed, ayaa ah kuwa si isu midda uga dhiidhiyay duqeymaha xiriirka ah, ee diyaaradaha dagaalka Kenya ka wadaan Degmada Ceelcadde iyo deegaanada kale ee hoos-tagga, iyadoona ay bulshadu si wayn u dhaliishay Madaxda Qaranka, oo aan weli ka hadlin duqeymahaasi.

Culumada oo dhankooda ka hadlay arintan dooda xoogan ka dhex dhalisay shacabka Somaliyeed, ka gadaal markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Arbacadii u sujuuday Ciidankii Kenya, ee xuska loogu samaynaayay Magaalada Eldoret Ee Galbeedka Kenya., iyagoo sheegay inuu cadeeyo waxa ku khasbay arrinkaasi.
00

12553051_1725698970996214_2111035264866332497_n

12647126_10208111803411521_6292920211315189019_n

Qoraalka Sheekh Maxamed Idiris, ayaa sidatan u qornaa:

Madaxweynuhu ha caddeeyo arrinka lala yaabay!

Waxaa barraha xiriirka bulshada illaa shalay dadka Soomaaliyeed aad u hadal hayeen Sawir la soo dhigay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Calaamad Sujuud ku hor istaagey daljirka dahsoon ee Kenya!!

Madaxweynuhu waa nin Muslim ah, dal iyo dad Muslim ahna wuu matalayaa. Dhaqanka Diplomaasiyaddana waxaa ka mid ah (Protocol) loo ilaasho dal kasta madaxdiisa wixii ka caaggan diintooda iyo dhaqankooda.

Sidaa awgeed wexey dadku is weydiinayaan: Maxaa ku khasbay Madaxweynaha arrin diintiisa ka soo horjeeda, oo dembi weyn ah, halisna uba ah burintiisa?

Waxaa xaq loogu leeyahay Madaxweynaha arrinkaas dadku wada arkay, lana fajacay inuu jawaab ka siiyo waxa ku khasbay?

Xagga xukunka arrinka, Culimada Islaamku iskuma khilaafsana Cid aan Ilaahay ahayn in loo sujuudo iney xaaraan maqdaca tahay, wexeyse isku khilaafeen: ma lagu gaaloobayaa mise maya?

Qaarkood sida Culimada Xanafiyada wexey qabaan in lagu gaaloobayo ama cibaada ha ula jeedo qofku ama salaan. Culimada qaarna wexey qabaan haddii cibaada loola jeedo in lagu gaaloobayo, haddii kalena dembi wayn tahay.

Sikastaba waa arrin culus oo tilmama badan oo aan fiicnayn ka bixineysa Muslimiinta, gaar ahaan Soomaalida iyo dadkeeda iyo Dawladeeda. Ilaahow na astur.ok

ppp

Comments

comments