Daawo: Xildhiban Cabdi Xashi Oo Fariin u diray Gudoonka Barlamanka Somaliya

Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ah Gudoomiyaha Guddiga Warfafinta Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay xildhibaanada ka maqan kulamada Baarlamaanka kuwaas oo sanado badan isaga maqan dalka dibadiisa iyo mudanayaal kale oo ku sugan gudaha dalka oo iyaguna soo xadirin kulamada barlamanka somaliya.

Arimahaas oo dhan waxa uu u sababeeyey inay ka gaabiyeen gudoonka barlamanka iyo ku xigeenadiisa oo iyaguba dhowrin waqtiga loogu talagalay inuu furmo kulanka barlamanka

Sidoo kale xildhiban cabdi xaashi ayaa fariin u direy Xildhibaanada gaaraya boqolaal mudane inay si deg deg ah dib ugu soo noqdaan kuwa joogana ay ka soo qaybgalaan kulamada barlamanka loona adeego shacabka somaliyed

Masuuliyinta ugu sareeya Baarlamaanka ayaa marar badan waxay digniin u direen Xildhibaanada ka maqan kulamada Baarlamaanka iyadoo aanay jirin cid ka jawaabtay digniinta.

Tani ma noqonayso markii u horeysay baaq loo jeediyo Xildhibaanada ku maqan dalka dibadiisa iyadoo marar badan Gudoonka Baarlamaanka digniin u direy mudaneyaasha maqan lkn aynan suurto gelin ilaa hadda.

Comments

comments