Kenya oo Maxkamadeyneysa tuhmanayaal weerarkii ka dhacay Mpeketoni

Maxkamada sare magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa shaacisay in Labada tuhmane oo lagu kala magacaabo Diana Salim Suleiman iyo Mahadi Suleiman Mahadi alias ku lug lahaayeen weerar dad badan ay ku dhinteen oo lagu qaaday degmada Mpeketoni ee dalkaasi.

Labadaan tuhmane ayaa lagu soo eedeeyay iney galeen ku dhawaad 60-danbi ah oo dil ah,waxayna Maxkamadu ay sheegtay iney leeyihiin laga jawaabo.

Garsooraha Maxkamadda Sare ee magaalo xeebeedka Mombasa Martin Muya ayaa sheegay in caddeyn ku filan ay u hayaan ragaan si loogu qaado danbiga lagu soo oogay oo ah iney 60-Qof ku dileen weerarkii argagaxiso ee ka dhacay Mpeketoni bishii June 2014,guryo badana lagu gubay.

Al-shabaab ayaa weerar qorsheysan ku qaaday degmada Mpeketoni iyo Kaisairi oo dhamaan hoostaga dhulka xeebta ku teedsan ee Lamu,waxayna dadka ku mashquulsanaayeen xilliga uu weerarka dhacayay daawashada Koobka K/cagta ee aduunka.

Meeshii ugu horeysay ee dagaalyahanada Al-shabaab weerarka ku qaadaan waxay ahayd xarun ciidanka Boolis-ka ay lahaayeen, halkaasi oo lagu gubay shan ka mid ah askarta Booliska iyo gaadiid ay lahaayeen.

Dadka deegaanka ayaa sheegay iney arkayeen kooxo hubeysan oo afka soo duubtay oo oo Bambo gacmeedyo ku tuuraya xarumo Ciidanka Booliska deegaanka ku lahaayeen ka hor inteysan gelin oo hubka ka xadin.

Kooxda Al-shabaab oo weerar dhowr ah ka geystay Kenya ayaa sheegay in weerarkaasi ay ku dileen askar badan oo ka tirsan Ciidanka Kenya,balse waxay meesha ka saareen in weerarkaasi maxaabiis Kenyan ay ku soo qabteen.

Comments

comments