Dhageyso:Madaxweyne Axmed Madoobe Oo sheegay in madaxdu ay tashan waayeen

Madaxweynaha Jubbaland oo maanta dib ugu laabtey Magaalada kismaayo ee caasimada KMG ah ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa shir jaraa,id kuqabtey garoonka diyaaradaha ee magaalada kismaayo kaas oo uu kaga warbixiyey safarkiisii muqdisho uu katagey.

Madaxweynaha ayaa sheegey in ay asaga iyo madaxda soomaaliyeedba isugu imaadeen kismaayo wax miro ahna ay kasoo bixi waayeen ayaga oo aysan cidkale oo kuwehelineysay aysan jirin shirkii kismaayo.

Madaxweynaha ayaa sheegey in ay madaxda soomaaliyeed ay kuwada fashilmeen talada dalka iyo masuulayadihii loo igmadey sidaas daraadeed beesha caalamku ay muqdisho isugu yeertey khasabna ay noqotey in wax uun la isla qaato.

” Waan shirney waan wada hadalney waxbo markaan isla meel dhigi wayney waxaa noo taliyey beesha caalamka oo sheegtey in go,aanka dowlada federaalka ay taageereyso waana wada qaadaney dhamaanteen.’ ayuu yiri madaxweyne Axmed

Ugu danbeyn madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegey inaysan ogolaaneynin in kismaayo lagu saxiixo heshiiskaas maadaama kii ay soomaalidu u dhaneyda loo diidey in lagu saxiixo.

Puntland ayaa diidan Heshiiska ka soo baxay Shirkii Madasha islamarkaana Beesha Caalamku ay taageertay.

Hoos ka dhageyso Axmed madoobe oo ka hadlaya:

Comments

comments