Daawo: Shir Weynaha Qaran Ee Saxafada Iyo Ansixinta Xeerka Saxafada Somaliya

Muqdisho waxaa lagu soo gabagabeeyey Shirweynaha qaran ee horumarinta saxaafadda Soomaaliya, kaas oo ay ka qeyb galayaan wasiirrada warfaafinta dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Shirka waxaa furay wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Iyo Ra’izulwasare ku xigenka dalka mohamed omar carte oo sheegay in ujeeddada shirku tahay :

1:in ay fursad isu helaan wasaaradaha warfaafinta dowladda dhexe iyo wasaaradaha warfaafinta dowladaha xubnaha ka ah, si ay isaga xaaladda warbaahinta dalka iyo sida loo horumarin karo.
2:In warbaahinta madaxa bannaan fursad isu hesho si ay u sameystaan siyaasad la xiriirta habka ay bulshada soomaaliyeed farriin sax ah u gaarsiin lahaayeen
3:In aan fursad u helno hay’adaha taageera warbaahitna Soomaaliya, si ay u ogaadaan baahida dhabta ah ee ay qabaan warbaahinta Soomaaliiyeed, lana nidaamiyo caawimaadda ay siiyaan warbaahinta Soomaaliyeed.

Halkan hoose ka daawo Barnamijka oo dhameystiran:

Comments

comments