Madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed oo ka hadlay Shirkii Muqdisho ku dhamaaday

C/kariin Xuseen Guuleed, Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa Dowladda Federaalka Somaliya ku dhaliilay inay iyadu wadatay wixii ka soo baxay shirkii Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Galmudug, ayaa Dowladda ku eedeeyay inay ku keli ahayd go’aanka laga soo saaray shirkaasi, ee la xiriira doorashada sanadkan lagu wado inay ka qabsoomto dalka.

Madaxweynaha oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Cadaado, ayaa natiijada shirka laga soo saaray ku sifeeyay mid aanay raali ka ahayn bulshada ku dhaqan Gobolada Galgaduud & Mudug, oo uu isagu ku magacaaban yahay.

C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa muujiyay in la cadaadiyay oo la khasbay Madaxda Somalida, markii Beesha Caalamka ay si buuxdo u taageertay go’aanka Dowladda.

Isagoo qiil u yeelaaya go’aanka ay qaadatay Dowladda Somaliya, ayuu xusay inuu ku yimid, markii ay mowqif mideysan doorashooyinka ka qaadan waayeen Madaxda Somalida.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in Bulshada Degta Gobolada Maamulka Galmudug, ay la qaadan doonaan kulamo kala duwan oo looga hadlaayo arimaha ku aadan natiijada Shirkaasi.

Comments

comments