Dowladaha Soomaaliya Iyo Ingiriiska oo kala saxiixday Heshiis dhanka Ammaanka ah

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska u fadhida Soomaaliya AmbHarriet Mathews,ayaa maanta xarunta safaaradda Ingiriiska ee magaalada Muqdisho ku kala saxiixday heshiis wax wada qabsi oodhanka Amniga ku saabsan.

Saxiixa Heshiiska ka dib, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sheegay in heshiiskaniuu wax badan u tarayo labada dal isla markaana ka caawinayo in ay iska kaashadaan la-dagaalanka alshabaab

“Heshiiskan wuxuu Soomaaliya ka caawin doonaa in awood ay u hesho dhismaha Hay’adaha ammaanka iyo sidoo kale in labada dalka ay yeeshaan wada shaqayn dhow oo la xiriirta Amniga,

Wasiir Diini, ayaa tilmaamay in Britainkaliya aysan ka qeyb qaadan xaqiijinta amaanka, balse ay Soomaaliya ka taageeraan arrimo badan oo kamid yihiin Siyaasadda iyo dhismaha Ciidanka Qalabka Sida.

Safiirka Britain u fadhida SoomaaliyaHarriet Mathews, ayaa dhankeeda sheegtay in markasta la garab istaagayaan Dawladda Soomaaliya taageero dhinac walba leh, gaar ahaan xasilinta dalka, waxa ay u rajeysay dawladda Soomaaliya in ay ku guulaysan doonto qorshayaasheeda kala duwan.

Comments

comments