Ma Ogtahay Shirka Jowhar ka furmay in Dowladda Federaalka Somaliya uu Hakad ugu jiro

Waxgaradka ka qeyb galaya Shirka Maamulka loogu sameynayo Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan ayaa waxaa ay sheegeen in Shirka oo furma wajigiisa labaad uu hakad ugu jiro Dowlada Soomaaliya.

Mid kamida waxgaradka ka qeybgalaya Shirka oo lahadlay kowtharmedia ayaa sheegay in Dowlada Soomaaliya aysan wax xil ah iska saarin sidii uu Shirku marka kale u furmi lahaa.

Waxaa kale oo uu sheegay in dhaqanka Beelaha qaar ay isaga baxeen Shirka kuwaas oo dib ugu laabtay Magaalooyinkii ay kasoo jeedeen, Dowladanu aysan dib u raadin.

waxaa kale oo uu sheegay in Xalka Beelaha iyo qaabka ugu wanaagsan ee Shirku u socon karo laga rabo Dowladda Soomaaliya maadaama ay iyadu qaaday Masuuliyada Shirka wax kastana lawareegtay.

Wixii warar ay kusoo kordha arimahaasi waan idiin soo baahindoonaa insha’alah

Comments

comments