Guddoomiyihii hore ee Gobolka Bari oo Xabsiga la dhigay

Wararka laga helayo Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidanka amaanka Puntland  Gacanta ku dhigeen Guddoomiyihii hore ee gobolka Bari Cabdisamad Gallan.

Xariga Guddoomiyihii hore ayaa daba socdey abaabul xooggan oo uu muddooyinkii danbe ka wadey magaalada Bosaso,waxaana Cabdisamad Gallan uu xilka wareejiyey 7 bilood ka hor, kadib markii Madaxweynaha Puntland xilkaas u magacaabey Yusuf Dhedo.

Ciidanka amaanka ee Puntland ayaa galay xarun uu ku sugnaa Cabdisamad Gallan waxaana ciidamo malayshiyaad ah oo guriga ku sugnaa ay sameeyeen is-difaacid, dagaal muddo kooban socdey waa is-dhiibeen,waxaana ay wararku sheegayaan in ay ka soo saareen gaadiid iyo hub uu halkaas ku urursadey.

Xariga Cabdisamad Galan ayaa daba socdey mudaaharad ay maanta Bosaso ka dhigeen dhalinyaro, kuwaas oo qaarkood ku hubeysnaayeen qoryaha Ak47, waxaana mudaaharaadyadaas ku nafwaayey mid kamid ah ciidanka Amniga ee Puntland. iyo Qof Rayid ah.

Comments

comments