IGAD oo Dowladda Soomaaliya ugu baaqday de-dejinta maamulka Hiiraan iyo Sh/dhexe

Kulan ay magaalada Adis-ababa ee dalka Ethiopia ay ku yeesheen urur goboleedka IGAD ayaa baaq loogu jeediyay Dowlada Federaalka Soomaaliya oo ku aadan iney dedejiso maamulka loo sameynayo Shacabka gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.

Kulanka oo ay isugu yimaadeen Wasiirada arimaha dibada urur goboleed IGAD ayaa Dowladda Xasan Sheikh uu hogaamiyo looga dalbaday iney dadaal dheeri ah ku bixiso maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe si ay Shacabkaasi qeyb kaga noqdaan Dowlad goboleedyada hoos yimaada Dowladda dhexe.

 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa dhawaan shir maamul loogu sameynayo Hiiraan iyo Sh/dhexe ka furmay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe,waxaana hada shirkaasi hareeyay muran iyo is qab-qabsi badaan oo sababay in ergadii qaar ee ka timid magaalada Baladweyne qaadacaan,islamarkaana dib ugu laabtaan magaaladii ay ka yimaadeen.

Sidoo kale,urur goboleedka IGAD ayaa baaqay ugu madaxda ugu sareysa Dowladda Soomaaliya iney xaliyaan muranka haatan ka taagan shirka iyo waliba ergada dhaliilsan sida wax ay u socdaan.

Wasaarada arimaha gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya ayaa wada dadaalo lagu xalinayo muranada ka taagan shirka iyo tabashada waxgaradka matalaya Shacabka Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.

Comments

comments