Madaafiic maanta ku soo dhacday Degmada Warta Nabadda Muqdisho

Ugu yaraan 2 Qof ayaa dhimatay 10 kalena wey ku dhaawacmeen Tiro Hoobiyaal ah oo aan la aqoon halka laga soo tuuray,kuwaas oo ku dhacay Xaafado ka mid ah Degmada Warta-Nabadda ee Gobolka Banaadir.

Dadka dhintay iyo kuwa Dhaawacmay ayaa la sheegay in ay ku jiraan Barakacayaal degenaa Laanta Labaad Ee Degmada Warta-nabadda sida Maamulka Degmada ay noo sheegeen.

Wali ma jirto Cid sheegatay Madaafiicda iyo cid og halka laga soo tuuray,iyadoo 7-dii Bishii hore ee Janaayo ay Madaafiic Dhimasho iyo Dhaawac sababtay ay ku soo dhaceen Agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya.

Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa baaritaano ka sameeyay Degmada Warta-nabadda Ee Gobolka Banadir,mana jirto  Cid ay Falkaasi wali u soo qabteen.

Comments

comments