Madaxweynaha Galmudug oo booqday qeybta 21-aad ee ciidanka XDs+Sawirro

Madaxweynaha dowladgoboleedka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa maanta kormeeray qeybta 21-aad ee ciidamada XDS.
Kormeeerka maanta uu madaxwaynaha  Galmdug ku tegay xeryaha ciidanka ee qaybata 21-aad  ayaa waxaa ku wehliyay xubno ka tirsan golaha wasiirrada ee maamulka iyo mas’uuliiin kale, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay Saraakiisha qaybta, isagoo salaan sharaf ka qaatay cutub ka tirsan ciidanka XDS.
Konel C/laahi Aadan Xuseen  “Cirro” oo ka mid ah saraakiishi halkaasi ku soo dhaweeysay madaxweynaha Galmudug ayaa ka warbixiyay xaaladda ciidamada isagoo sheegay in saldhigyo kala duwan ay ku leeyihiin magaalada Cadaado, tababaro gaagaabana ay  u socdaan qaar ka mid ah ciidamada.
Madaxwaynaha dawlad goboleedka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in qaybta 21-aad ee ciidanka XDS ay ka maamul ahaan la kaashadaan waxyaabo badan , isagoo xusay in dhawaan ay imaan doonaan saraakiisha sare ee xoogga dalka si ay uga howlgalaan isku dhafka ciidanka.
12 11 9 8 4

Comments

comments