Madaxweynaha Soomaaliya oo Muqdisho ku soo laabtay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay,  kaddib markii uu mgaalada Adis’ababa uga soo qeybgalay shir madaxeedka ururka Midowga Afrika.

Madaxweynaha ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay gudoomiyaha baarlamanka Federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan labada gole ee dowladda.

Madaxweynaha ayaa magaalada Adis’ababa uga soo qeybgalay shir madaxeedki ururka Midowga Afrika, wuxuuna intii uu ku sugnaa halkaasi kulamo gaar gaar ah kula soo qaatay madax kala duwan oo uu ka mid ahaa Banki Moon xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa shir madaxeedka Midowga Afrika ka jeediyay khudbad muhiim ah oo ku saabsan xaaladda dalkeena Soomaaliya.

Comments

comments