Booliska dalka Kenya oo markii ugu horeysay isticmaalaya gawaarida gaashaaman

Booliska Kenya ayaa markii ugu horeysay la soo gaarsiiyay gawaarida gaashaaman kuwaasoo ay ku howlgali doonaan waxaana lagu qabtay maanta munaasabad lagu soo bandhigayay gaadiidkaa magaalada Nairobi.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu soo bandhigayay gaadiidkan oo ay dowlada Kenya soo iibsatay.
Uhuru Kenyatta ayaa ku tilmaamay inay tahay mid guul ah in ciidamada Kenya ay isticmaali doonaan gaadiidka gaashaaman kuwaasoo uu sheegay in ay tahay casriyeyn lagu sameynayo ciidamada Kenya. Sida uu sheegayo Madaxweyne Kenyatta ujeedada loo siiyay ciidamada Booliska gaadiidkan dagaal ayaa ah sidii ay ugaga madax banaanaan lahaayeen ciidamada Milatariga iyo ciidamada kalaba si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo.
“Inaan soo iibsano gaadiidkan waa mid muhiim ah oo waji cusub u yeelaysa ciidamadeena wayna sii socon doontaa illaa inta xuduudadaha Kenya ay ammaan ka noqonayaan,”ayuu yiri Madaxweyne Kenyatta
IMG_4EC1DC-A8555B-72F4B5-651FA7-0A1A72-B84D34 IMG_8FAFB2-D95472-7CF115-1A7430-A4E383-E00A6A IMG_762D62-F697FB-0A6897-AB7E56-8736CB-BBCA63

Comments

comments