Man United v Man CIty, Liverpool v Tottenham – Isku Aadka Wareega Sideed Dhamaadka Koobka League Cup Oo La Soo Saaray Xalayto!!

 

 

Kooxaha ku xafiiltama Manchester ee United iyo CIty ayaa isku soo aaday wareega sideed dhamaadka koobka League Cup ee haatan loo yaqaano EFL Cup.
Kooxda Man United ayaa ka soo badisay Northampton xalayto halka City ay 2-1 uga soo talaabsatay kooxda Swansea, waxaana kulankaan uu noqonayaa kulankoodii labaad ka dib guushii ay City ka gaartay United 10kii September kulan horyaalka ka tirsan.
Dhanka kale kooxda West Ham ayaa martigelin doonta kooxda ay London ku xafiiltamaan ee Chelsea halka Tottenham ay u safri doonto Liverpool.
Kulamada wareega sideed dhamaadka waxaa la ciyaari doonaa isbuuca ka bilowda 24ka Oktoobar.

Man City oo ku guuleystay koobka xilli ciyaareedkii hore ka dib markii ay rigoore ku garaaceen Liverpool ayaan weli laga badinin xilli ciyaareedkan intii uu macalin u ahaa Pep Guardiola.
Kooxda Jose Mourinho ee United ayaa soo gabagabeysay seddex guuldarro oo isku xigta kulankii xalayto ay la ciyaareen kooxda Northampton, waana guuldarooyin soo bilowday wixii ka danbeeyay guuldaradii 2-1 ee ka soo gaaray City.
Ugu yar labo kulan oo kooxaha heer labaad ah ayaa ku jira isku aadka wareega sideeda iyadoo kooxda Rafa Benitez ee Newcastle ay la kulmeyso Preston halka Norwich ay u safreyso Leeds.

Kooxda Arsenal ayaa wajaheysa Reeding koox ay ku garaaceen 7-5 kulan wareegaan ahaa sannadii 2012.
Isku Aadka Oo Dhameystiran:
West Ham v Chelsea
Manchester United v Manchester City
Arsenal v Reading
Liverpool v Tottenham
Bristol City v Hull
Leeds v Norwich
Newcastle v Preston
Southampton v Sunderland

Waxaa Qoray: ahmed fanax

Comments

comments