Ryan Giggs oo lagu wado in uu tababare ka noqdo mid ka mida kooxaha Premier League dhawaan!! 

Swansea City ayaa la fahansan yahay in ay dooneyso Ryan Giggs marka ay shaqada ka erido Francesco Guidolin.
Tan iyo kulankii ugu horreeyey ee ay ka badisay Burnley, kooxda Swansea saddexna waa laga badiyey midna bar bar dhac ayey gashay.
Sidoo kale City ayaa ka soo reebtay EFL Cup-ka.
Marka laga yimaado guul darrooyinka waxaa qas ka taagan yahay aqalka labiska iyada oo la arkayey dhawaan Sung-Yueng iyo  Neil Taylor oo ka xanaaqaya badalo lagu sameeyey.
ESPN ayaa iminka qoreysa in Swansea City ay isha la raaceyso Ryan Giggs.
Giggs waayihiisa oo dhan waxa uu ku soo qaatay Manchester United halka uu ka soo noqday tababare ku xigeen saddex sano xilliyadii David Moyes iyo Louis Van Gaal.
Hayeshee, in uu ka tago ayuu go’aansaday markii xilka loo magacaabay Jose Mourinho xagaagan.
Warka waxa uu intaa ku darayaa in gudoomiyaha kooxda Huw Jenkins uu diyaar u yahay xilkas in uu u dhiibo Giggs.

waxaa qoray : Ahmed fanax 

Comments

comments