Gurmadyo ciidan oo kala gaaraya dhinacyada ku dagaalamaya Magaalada Gaalkacyo!!

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in gurmadyo ciidan ay kala gaarayaan maamulada Galmudug iyo Puntland, kuwaasoo maalmihii la soo dhaafay ku dagaalamayay dhinaca galbeed ee magaalada.
Sida ay wararku sheegayaan gurmadyada ciidan ayaa ka imaanaya deegaanada labada maamul ka arrimiyaan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaalka labada dhinac u dhaxeeya inuu soo xoogeysto.
Gaadiid dagaal iyo ciidamo fara badan ayaa ku qul qulaya aaggaga ay labada dhinac ku kala sugan yihiin, waxaana mar kasta suura gal ah inay dirirto dhex marto.
Dad ku sugan duleedyada Gaalkacyo ayaa sheegaya inay arkayeen gaadiid iyo ciidamo ay ku qul qulayaan goobaha ay isku hor-fadhiyaan labada dhinac.
Inkastoo xaalada magaalada ay maanta aheyd mid degan, ayaa hadana waxaa jira dhaq dhaqaaqyo ciidan oo labada dhinac wadaan.
Dagaaladii labadii maalmood ka socday magaalada ayaa waxaa ku barakacay boqolaal qoys, kuwaasoo u qaxay deegaanada miyiga ah, halkaasoo laga soo sheegayo xaalado adag oo la soo darsay dadkii qaxay.
Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa hawada isu marinaya hanjabaado culus, kaasoo sii hurinaya colaada labada dhinac ka dhex taagan, waxaana guuldareystay dadaalo nabadeed ay wadeen odayaasha dhaqanka, ganacsatada iyo culumaa’udiinka.

Comments

comments