Taliyaha Ciidanka Asluubta S/Guud Bashiir Goobbe oo la dalacsiiyay darajada ugu sareeso ciidanka Daawo Sawirro!!

Munaasabad  loogu Halmbalyeynayey Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac ,oo la dalacsiiyey ayaa lagu qabtay Xarunta Taliska Ciidanka Asluubta, iyadoo ay kasoo qeyb galeyn Munaasabadda Taliye Ku xigeenada Asluubta, Saraakiil Ciidan iyo qaar ka mid ah Maxaabiista Xabisga dhexe ku xiran.
S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Goobbe), ayaa ahaa ka hor inta aan la dalcsiin S/Gaas waxa uuna iminka Noqonayaa Sargaalka ugu Sareeya  Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.
Munaasabadda ayaa Kooxda Onkod ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed waxa ay kusoo bandhigeen Suugaan iyo Riwaayado dhiirrigelin u badnaa, waxana Munaasabadda ka hadlay Taliye ku xiggeenka Koowaad ee Ciidanka Asluubta S/guuto C/Kariin Cali Afrax, isagoo u hambalyeeyey Taliyaha Ciidanka Asluubta S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac, waxa uu sheegay in uu mudan yahay Darajada la dalacsiiyey  islamarkaana uu yahay Shaqsi howlkar ah.
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa gabagabada Munaasabadda ka hadlay, wuxuuna sheegay in Ciidanka Asluubta Guul ay u tahay in Taliyahoodu uu qaato Darajada ugu sarreysa Ciidammada Qaranka, isagoo xusay in Ciidanka Asluubta ay hiigsanayaan Horumarro kala duwan Qorshaha Taliskuna uu yahay in sare loo qaado Tayada iyo Wax soosaarka Ciidanka .
S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac, Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa hadda Noqonaya Jeneraalka ugu sarreeya Ciidammada Qalabka sida, iyadoo Darajada  S/guud Soomaaliya  horey uu u lahaa Alle ha u naxariiste  Ex S/guud Maxamed Cali Samatar oo dhowaan ku Geeriyooday Dalka Mareykanka.

janaraal-goobe-xidig-sarkiisa-21

janaraal-goobe-xidig-sarkiisa-20

janaraal-goobe-xidig-sarkiisa-19

janaraal-goobe-xidig-sarkiisa-18

janaraal-goobe-xidig-sarkiisa-17

janaraal-goobe-xidig-sarkiisa-12

janaraal-goobe-xidig-sarkiisa-13

janaraal-goobe-xidig-sarkiisa-15

janaraal-goobe-xidig-sarkiisa-16

janaraal-goobe-xidig-sarkiisa-11

janaraal-goobe-xidig-sarkiisa-10

janaraal-goobe-xidig-sarkiisa-9

janaraal-goobe-xidig-sarkiisa-8

janaraal-goobe-xidig-sarkiisa-7

janaraal-goobe-xidig-sarkiisa-2

janaraal-goobe-xidig-sarkiisa-3

janaraal-goobe-xidig-sarkiisa-4

janaraal-goobe-xidig-sarkiisa-6

janaraal-goobe-xidig-sarkiisa-1

Comments

comments