Daawo Sawiro: Wafdi kasocda Dowlada Soomaaliya oo Xarunta Jowhar u yimid xalinta Cabashooyin Jira!!

Waxaa maanta magaaada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhaxe soo gaaray Masuuliyiin katirsan Dowlada Soomaaliya oo isugu jira Wasiiro katirsaa Xukuumada Soamlia, Xildhibaano iyo Xubno kale oo katirsan Dowlada iyo Syaasiyiin caan ah.

Xubnaha soo gaaray Magaalada Jowhar waxaa kamid ah Wasiiru-Dowladaha Maaliyada Xukuumada Somalia Cabdulaahi Maxamed Nuur, Xildhibaano , Gudoomiyaha Gobolka Banaadir , Taliyihii hore ee Hay’ada Nabad Sugida Qaranka Gen.Tuur yare iyo Siyaasiyiin caan ah uu ku jiro Muuse Suudi.

Masuuliyiintan ayaa magaalada Jowhar u yimid xalinta cabashooyin ay keeneen Beelo ka qeyb galayay shirka maamul u sameynta Hirshabelle, waxa ayna Masuuliyiintan maanta Yimid Jowhar kula kulmeen masuuliin katirsan Dowlada oo horey u joogay uu ku jiro Wasiirka Arimaha Gudaha.

Sida aan Wararka ku heleyno masuuliyiintan ayaa ku hoolan xalinta qaar kamid ah Musharixiinta u taagan doorashada Maamulka Hirshabelle oo qaadacay doorashada, waxa ay sidoo kale Masuuliyiintan xalinayaan ciidamo gadoodsan oo shalay Jowhar soo galay.

Waxaa wali magaalada Jowhar ka socda kulamo gooni gooni ah oo lagu xalinayo cabashooyinka taagan, walina ma jiraan wax war ah oo ku aadan wadahadalada socda iyo natiijada ka soo baxday .

Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle ayaa la filayay in maanta dhageestaan Khudbadaha Musharixiinta u taagan Doorashada Madaxweynaha Hirshabelle, waxaana suurto gal in caawa la dhageesto Khudbadaha Musharixiinta hadii la xaliyo cabashooyinka jira.

jowhar-mayaatay-6
jowhar-mayaatay-5jowhar-mayaatay-4jowhar-mayaatay-3jowhar-mayaatay-2jowhar-mayaatay-1jowhar-mayaatay-9jowhar-mayaatay-8

Comments

comments