Suugaanta Soomaalida iyo Jacaylka caawa arimaha Bulshada heeso xul ayaa Idiin ku soo gudbineynaa Daawa showacan!!

Suugaanta soomaalidu waa mid si waafi ah ugu talaxtagtay sifaynta jacaylka. Inkasta oo meelo badan dhaqanka bulshada Soomaalidu yahay mid qalafsan, haddana sida ay suugaanta casriga ah ee muusiga wadataa uga hadashay jacaylku waa mid xiiso gaar ah leh. Bal aynu soo qaadanno baydad ka mid ah hees uu codkiisii dahabka ahaa ku qaadi jiray fannaankii weynaa ee Maxamed Axmed Kuluc (Ihun):
Jacayl biri ma gaysoo
Biyana kaama maydhaan
Sow baahideedii
Bukaan halisa maan noqon.

Bal u fiirso sida qiimaha leh ee uu abwaankani sawir layaab leh innooga siinayo jacaylku waxa uu yahay: Labada bayd ee hore waxa uu ku sheegayaa in jacaylku yahay wax aanay birtu goyn, biyuhuna aanay maydhin. Halka uu labada danbe innoo sawirayo heerka uu jacaylku la gaadhay.
Mar kale bal aynu soo qaadanno hees ay ku luuqayso Khadra Daahir.
Labadii isdoortee
Isku laab ahaadee
Kala laalmi waayee
Dani kala luggoysee
Midba gees u liitee
Liqi waayay oontii
Midka kale la’aantii
Ku leeleelay dunidee
Waxaan laamadoodaba
Miyuu luul i gawracay
Khadri waxa ay baydadkaa sare innoogu tibaaxaysaa laba qof oo is jecel, balse uu wakhtigu kala kaxeeyay. Kadibna mid kastaaba dhankiisa darxumo iyo diif jacayl ula kulmay. Waa farriin aad u culus oo micno weyn u samaynaysa qofkii in uu dareen jacayl ku jiro.
Heesaha sida weyn u qaadaadiga jacaylku way badan yihiine, bal ugu danbayn aynu yara dhuganno heestan soo socota oo uu ku luuqayn jiray Ilaahay ha u naxariistee Maxamed Saleebaan Tubeec.
Dhibaatada jacaylku
Way ku dhalanrogtaayoo
Dhaawaca baryaha qaar
Waad la dhuumataayee
Dherer iyo laxaadna
Wuu i kala dhantaaloo
Dhabankiyo gacmuhu
Ma isku kay dhageen!
Waa cashar layaab leh oo uu soo gudbinayo qof wax jeclaaday. Waxa uu innoo sheegayaa in jacaylku halis yahay, haddii aannu qofka wax jeceli helin lammaanihii ka dawayn lahaa. Waxa uu halkan fannaanku innagu tusayaa in qofkan uu jacaylku ku dhacay uu la gaadhay xaalad adag oo keentay in dhabanka iyo gacmu isku dhagaan istaaldarri awgeed. Waa midho kooban, balse bixinaya hummaag cajiib ah.

FUNAAN QARAN oo Muqdisho ku dayacan hees Wadani “Waa degniine” by Cabdi Tahliil HALKAAN HOOSE KADAAWO

Comments

comments