Doorashadii Aqalka sare ee Dowlada Galmudug oo sicadaalad loosoo gabagabeeyay DAAWO SAWIRADA!!

Waxaa Magaalada cadaado lagu gabagabeeyay doorashada xubnaha u metelaya maamulka Galmudug ee Aqalka sare Baarlamanka Soomaaliya.

Saddexdii mudane ee ka harsanayd Siddeed xubnood oo ay Galmudug ka heshay saamiga Kuraasta Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya, ayaa Maanta lasoo gabagabeeyay doorashadooda, kuwaas oo kala ah Jawaahir Axmed Cilmi, C/waaxid Cilmi Goonjeex iyo Abuukar Axmed Xaashi.

Kursiga aqalka sare ee beesha Ceyr ayaa waxaa saaka ku guuleysatay Jawaahir Axmed Cilmi oo la tartameysay Xildhibaan C/samad Macalin Maxamuud kaasoo markiii hore kursigan loo saadaalinayey, waxayna Jawaahir noqotay haweeneydii labaad ee Galmudug ku mateleysa aqalka sare.

Kursiga Beesha Mareexaan ee Aqalka sare ayaa isna loo doortay saaka C/waaxid Cilmi Goonjeex oo horey u soo noqday raisul wasaare kuxigeenka Soomaaliya, isagoo ka guuleystay haweeney iyo nin la tartamayey oo lagu kala magacaabo Aamina Cali Maxamed iyo Maxamed Samatar Duraan.

Sidoo kale, Abuukar Axmed Xaashi ayaa ku guuleystay kursiga Sideedaad aqalka sare ee Galmudug kaasoo ka guuleystay ninkiii la tartamayey oo ahaa Macalin Cumar Sheekh Ciise oo ah Beesha Direed.

Maalintii Shalay ahayd ayaa waxaa la doortay Shan xubnood oo kala ahaa, Abshir Maxamed Axmed (Abshir) Habar Gidir -Saleemaan.

Jen: Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid),Habar Gidir -Sacad) Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhegdheer), Murusade -Sabti) Yuusuf Geelle Ugaas) Duduble, Zamzam Dahir Maxamuud, Abgaal Waceyse)

Maamulka Galmudug ayaa noqday Maamulka Cadaalada waxaana lasugayaa Maamulo kale siday sameeyaan oo la arki doona.

Daawo Sawirda

hormarka-galmudug-2

hormarka-galmudug-3

hormarka-galmudug-4

hormarka-galmudug-5

hormarka-galmudug-6

hormarka-galmudug-7

hormarka-galmudug-8

hormarka-galmudug-1

Comments

comments