X/ Galmudug Cali Gacal Casir “QM xaq uma lahan inay dalbadaan liis ka saarista muwaadin ay doorteen Shacab”!!

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa jawaab ka bixiyay warqad ka soo baxday Xafiiska Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya oo ahaa in Liiska xubnaha Aqalka sare laga saaro Jen. Cabdi Qeybdiid oo maalin ka hor loo doortay Kursiga Aqalka sare.
Cali Gacal casir ayaa sheegay in Qaramada Midoobey aanay xaq u laheyn inay dalbadaan liis ka saarista muwaadin Soomaaliyeed ay doorteen shacabka.

“Anaga runtii wax naga quseeya ma jiraan arrintaas, qof muwaadin Soomaaliyeed ee ay doorteen Baarlamaanka, waliba cod badan helay in laga saaro inay dhahaan ma ahan, markii hore manala dhihin qof hebel halaga reebo, warqadaasna inaan meelaha ka maqalnay mooyee nalooma soo dirin”ayuu yiri Guddoomiye Cali Gacal Casir.
Waxaa uu ugu baaqay Qaramada Midoobey inay tixgeliyaan rabitaanka shacabka Galmudug oo ay iyagu doorteen cidii ay rabeen sida uu yiri.

Baarlamaanka Galmudug ayaa shalay dhameystiray xubnaha u matalaya Aqalka sare oo ka kooban 8 xubnood, iyadoo ay u muuqato inay iska dhega tireen warqadii ka soo baxday Xafiiska Wakiilka Qaramada Midoobey ee ku taariikheysneyd 14-kii bishan.

Xubnaha Qaramada Midoobey qeyla dhaanta ka keentay ayaa waxaa ka mid ahaa Jen. Cabdi Qeybdiid oo loo doortay Kursiga Aqalka sare iyo Musharaxiinta kale ee ay soo gudbiyeen Maamulada Puntland iyo Jubbaland oo kala ah Maxamed Siciid Xirsi Morgan iyo C/fataax Maxamed Cali oo ka tirsanaa Ururkii Xisbul Islaam.

Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Danjire Micheal Keating ayaa warqad uu u diray Maamulada Puntland, Galmudug, Jubbaland waxaa uu ugu baaqay inay ka saaraan liiska shaqsiyaad lagu eedeeyay inay ka mid ahaayeen Hogaamiye kooxeedyadii dalka, isla markaana dambiyo dagaal galeen sidaasna Lagu cunsuriyeeyo Iyaga.

War saxaafadeed ay si wadajir u soo saareen Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD, Italy, Sweden, The United Kingdom iyo Maraykanka ayaa lagu sheegay inay ka walaacsan yihiin qaar ka mid ah musharixiinta Aqalka Sare ee baarlamaanka oo taariikh ku leh dambiyo ee kuqasabanaayeen hore loo galay oo ay ka mid tahay dambiyo dagaal, iyo rabshado.

Comments

comments