MUUQAAL: Wakiilka Itoobiya uFadhiya Garoowe oo Baarlamaanka , Khudbad ka Jeediyey maanta, Kana hadlay dagaalka magaalada Gaalkacyo!!

Garoowe (Kowtharmedia.com) Wakiilka Itoobiya ee Putland uFadhiya Magaalada Garoowe ayaa Maanta Khudbad ka jeediyey Xarunta Baarlamaanka Puntland, Wuxuuna ka hadlay dagaalada ka socda magaalada Gaalkacyo.

Wuxuu sheegay in Puntland ay dhinacyo badan dagaal uga Furan yahay, ” Waxaana Xaqiijinayaa in Puntland iyo shacabkeedu in ayna Aqoonin Gardarada, Arinta Dagaalka Gaalkacyo waanu Xalin doonaa, Rajo wayn ayaan Qabnaa, Waxaana idiin cadaynayaa in Itoobiya Bilowday inay dhexgasho Puntland iyo Galmudug” Ayuu yidhi.

MUUQAALKA HALKAAN HOOSE KADAAWO

Comments

comments