Kooxda Kunada Cagta Jeenyo oo Galabta ku Guuleysatay Finalka Koobka Jeneraal Daa’uud!!

Ciyaar aad u Xiiso badan oo aheyd Finalka Koobka Jeneraal Daa´uud ayaa Galabta waxa ay ciyaar adag ku dhexmartay Garoonka Kubadda Cagta ee Banaadir Stadium Labada Kooxood ee kala ah Banaadir Sports Club iyo LPP Jeenyo.

Ciyaarta oo ay ka soo qeyb galeen Dad aad u badan oo Daawanaay kuwaas oo ka kala yimid Degmooyinka Magaalada Muqdisho, waxayna ku soo dhamaatay Barbaro ah 2 iyo 2,waxaana loo dhigay Gool kulaad.
Kooxda Jeenyo ayaa ku Adkaatay Gool Kulaad 4- 1 ah,

Ugu dabeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay  gool ku laad ama rikoorayal 4- 2 ah, waxaana sidaa Koobkii Jeneraal Daa’uud ku qaaday LPP Jeenyo.
Qaar ka mid ah cayaartoyda Naadiga LLPP Jeenyo oo dareenkooda ay ka muuqatay xarfad ayaa maanta ku dabaaldagay Garoonka Muqdisho.

Comments

comments