Daawo Muuqaal: Cadeymo Muujinaya in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay Dowlada Puntland ugu deeqday Malaayiin Dollar iyo lunsi lacag oo lasoo bandhigay!

Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa magaalada Garawe kusoo bandhigay cadeymo muujinaya in Dowlada Federaalka Soomaaliya ku wareejisay Maamulka Puntland lacag ka badan todobo Milyan oo Dollar kadibna laga waayay qasnada Maamulka Putland tasoo lagu tuhmaaya M/ Cabdiwaligaas.

Madaxweynaha Puntland oo dhawaan ka hor hadlay Baarlamaanka Maamulkaasi ayaa beeniyya in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay ka heleen lacago Deeq ah, waxa uuna tilmaamay in maaaulkiisa uusan lacagtaasi arag.

Xildhibaan Cismaan Diiriye Kulane oo Kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa soo bandhigay sida Dowlada Federaalka Soomaaliya u qeybisay lacago deeq ah oo gaarayay 20 milyan oo Dollar oo loo qeybiyay maamul goboleedyada, waxaana lacagtan inta ugu badan la siiyay Puntland

Halkan ka Daawo Cadeymaha uu Xildhibaanka soo bandhigay iyo baaq uu udiray Madaxweynaha Xasan sheeq Maxamuud

Comments

comments