5 milyan oo Lo’ ah, in caana boore (Nido) iyo (Coast) halkaas lagaaga soo dhoofsho sow habaar maaha? 7da madaxweyne ma ogyihiin arrinkaa? Netherland iyo Soomaaliya!!

kusoo dhawaada Qormo xiiso leh uu qoray Sheeqa Caanka ah Sh. Muxamed Idiris Netherland iyo Soomaaliya!!
Waxaan maalmahan joogey dalka Netherland, laguna garan ogyahay (Holland). Hayeeshee Holland waa gobolla ka mid ah, dalkana Netherlands ayaa lagu magacaabaa..
Soomaali badan oo qaxooti ku timi kuna deggan ayaa joogta.. dalkan baaxaddiisu waa yartahay, waa 41 kun sq.kl.. wuxuu la baaxad yahay gobolka galguduud ee Soomaaliya oo ah 41 kun sq. Kl.. tirada dadku waa 18 milyan, halkii km waxaa kusoo aadaya ka badan 400 qof.. halka Soomaaliya halkii sq.km ku aadayo 19 qof keliya!

Dalkan wuxuu caan ku yahay caanaha iyo waxa laga saaro caanaha, sida farmaajada (Cheeska) iyo caana booraha iwm.. waxaa dalku leeyahay: 1.5 milyan oo sac, waxaana dalka kasoo gala €8-12 bilyan oo yuuro sanadkiiba, waxaa laga lisaa 12 bilyan oo kiilo caana ah, waxaa ka shaqeeya 45000 dad dhan, waxaa ka hawl gala 21 shirkadood, 51 wershedo ah.. wershedo yar yar iyo waaweyn isugu jira, halka Soomaaliya ay leedahay 5.3 milyan oo lo’ ah, 7 milyan oo geel ah, 13 milyan ari ah, waxaana naga soo gala oo keliya dhoofinta, oo dadka iyo dawladaha qaar maxjar wax la yiraahdo u samaysteen, lagana helay sanadkii 2014 lacag gaareysa $ 360 milyan oo doolar..

Innagoo Muqdisha iyo boorame iyo gaalkacayo iyo Beledweyne iyo Kismaayo ku haysanna 5 milyan oo lo’ ah, in caana boore (Nido) iyo (Coast) halkan lagaaga soo dhoofsho sow habaar maaha? 7da madaxweyne ma ogyihiin arrinkaa? Wasaarado hantidaa ka shaqeeyaa ma jiraan?

Xigasho Sheeq Muxamed Idris Socdaalkiisa Qaarada Yurub.

sh-muxamed-idirs-1

sh-muxamed-idirs-2

sh-muxamed-idirs-3

sh-muxamed-idirs-4

sh-muxamed-idirs-5

https://www.facebook.com/Sh.Idris/

Comments

comments