Daawo Sawiro: Jaamacada SIU oo tababar cilmiga beeraha u qabatay ardayda Jaamacadaha Muqdisho wax ka barta!!

Tababarkan oo maalmihii la soo dhaafay ka soconayay xarunta KM4 ee jaamacada SIU, ayaa waxaa ka faa’iidaystay tobanaan ka tirsan ardayda jaamacadaha magaalada Moqdisho ka barta cilmiga beeraha iyo wax soo saarka.

Siminarkan, ayaa intii uu socoday waxaa xooga lagu saarayay kala duwanaanshaha dhirta iyo xirfadaha loo isticmaalo kordhinta wax soo saarka beeraha.

Seminarkan oo ay soo abaabushay kulliyada cilmiga beeraha ee jaamacada SIU, ayaa waxaa qayb ka ahaa xeel dheerayaal ku takhasusay cilmiga beeraha, oo uu ka mid ahaa gudoomiyaha Jaamacada SIU Dr. Abddirhmaan Du’aale oo cilmiga beeraha ka haystaa Shahaadada PHDga iyo macalimiin kale.

Tababarku intii uu socoday waxaaa si wada jir ah macalimiinta iyo ardaydu safar oogu baxeen beeraha degmada Balcad si ay si isugu dheeli tiraan qaybaha kal duwan ee tababarku ka koobnaa.

Ayadoo hoosta laga xareeqayo muhimada kuliydaha sida tooska ula xiriira wax soo saarka dalka, sida kulliyada cilimiga beeraha, ayaa Jaamacada SIU, waxay xooga saaraysaa muhimada ay leedahay qabashada tababarada la xiriira kobcinta fahanka ardayda dhigata cilmiga beeraha.

SAWIRRO HALKAAN HOOS KADAAWO

jamacada-soomaalya-2

jamacada-soomaalya-3

jamacada-soomaalya-4

jamacada-soomaalya-5

jamacada-soomaalya-1

Comments

comments