DAAWO MUUQAAL: Gaashaanle Is diray iyo Muuqaal Wariye C.maalik Coldoon uga Duubay Muqdisho oo Dadka soo Jiitay!

Gaashaanle dhexe Qaasim Axmed Rooble  oo ku Nool Magaalada Muqdisho, Wuxuu Qayb kamid ah Waqtigiisa Todobaad kasta la qaataa Agoonta iyo Dad danyar ah oo ku nool magaalada Muqdisho, Isagoo Halkaasi ugu Qaybiya Lacag uu Todobaadka intiisa kale Shaqo ama Shaxaad ugu soo Helo kadibna uu dareemo farxad.

Wuxuu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu Dadkiisa dhibaataysan Garab istaago, Sidoo kalana wuxuu Xusay in Dadka Xilka uu u hayo ay yihiin, Islamarkaana Caruurta Saraakiishu ay dhereg la seexdaan oo Cuntada Lagu Baryo, Halkan Kuwa kale Hadii aad Qoryo u keento ay Cunayaan.
Soomaaliya ayaa waxaa ku Nool dad badan oo Alle ku manaystay Naxariis, Wadaniyad iyo Daacadnimo Laakiin Dadka Intiisa badan ayaa waxay Mudnaanta Siiyaaan Damiir Laawaha iyo Danaystaha.

MUUQAAL HALKAAN HOOSE

Comments

comments