Wasiir ka tirsan Maamulka Puntland oo Wiil kasoo Jeeda Buuhoodle, ku Toogtay Garoowe!!

C.casiis Maxamed Aadan Guul oo Wasiir ku xigeenka Amniga ugu magacaaban Puntland ayaa Xabad ku dhuftay Dr. C/raxman Maxamed Aw Muuse, oo ay kasoo Wada Jeedaan Buuhoodle, Iyadoona Xaaladiisa Caafimaad Lagu dabiibayo Garoowe, Wuxuuna kamid ahaa Ergooyinka ka qayb galayey doorashada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Arintan ayaa kusoo Beegmaysa iyadoo Maamulka Puntland ee C.wali Gaas Hogaamiyo Faragalin oo noocyo kala duwan ah, oo isugu jirta is-hortaagid lagu sameynayo ergooyinka beeleha, musharaxiinta oo loo diidayo iney ka qayb galaan tartanka doorasho iyo gacan ka hadal wata cabsi galin ku hayso Doorashada Aqalka Hoose.

Weerarka ka hubeysan ayaa yimid kadib markii wasiir ku xigeenka wasarada amniga Cabdicasiis Adan Guul bistoolad ku ridey Cabdiraxman Maxamad Xaji Maxmuud Aw-Muuse, Arin la xidhiidha Arimaha Doorashooyinka Baarlamaanka Soomaaliya.
Si kastaba ha Noqotee, Inta Badan Waxaa maamulada Puntland iyo Somaliland ku matala deegaanada SSC oo Ay Xilka u dhiibtaan Xubnaha Ugu Dadnimada iyo Garashada Liita.

Beesha Dhulbahante inta wanaagsan ayaa waxa aysameesteen Maamulka Khaatumo kaas oo ay kala jiidanayaan Itoobiya, Putland iyo Soomaaliland intaba waxay fara galin iyo burburin ku haayaan Deegaanada Khaatumo oo xilliydaan Abaar adag kajirto.

maliibaanayaasha-lagu-liibaano-1

maliibaanayaasha-lagu-liibaano-2

Comments

comments